Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan kulan dhiiri gelin ah la qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan kulan dhiiri gelin ah la qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa maanta cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ee howlgallada ka wada inta u dhexeysa Muqdisho iyo Marka ee dhanka xeebta la qaatay kulan qado ah kaddib markii uu gaarsiiyay xoolo iyo raashin.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Ciidanka maanta uu u tegay Xildhibaanka ayaa dhawaan waxa ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka saareen jidka u dhexeysa Marka iyo Muqdisho ee dhanka xeebta, halkaasi oo ka mid ahayd goobihii Al-Shabaab ay dadku ku dhibaateyn jireen, waxaana ay ciidamadu halkaasi ka sameeyaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

Taliyaha Ururka 28aad guutada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka Kornayl Cabdiqaadir Nuur Xasan (Qoondhe) ayaa Xildhibaanka iyo xubnihii la socday warbixin ka siiyay xaaladda wadada isku xirta Marka iyo Muqdisho oo uu sheegay inay tahay mid amni ah, isla markaana ay ciidamadu had iyo jeer halkaasi ka wadaan howlgallo joogto ah.

Jeneraal Cabdi Cali Jamaame Abaanduulaha qeybta 12-ka April oo Xildhibaanka ka guddoomay neef geel ah ayaa uga mahadceliyay dhiiri gelinta uu u sameynayo ciidamada Xoogga dalka, waxaana uu intaa ku daray inay joogteynayaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Xildhibaan Yuusuf Ibraahim (Yuusuf kabaale) ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkiisa ay la xiriirtay ka warqabka xaaladda ay ku suganyihiin geesiyaasha naftooda u huraya difaaca dalka, waxaana uu ciidamada ku booriyay inay dar dargeliyaan sidii guud ahaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab ay uga xoreyn lahaayeen.

Previous Post

Dhallinyaro isu taagtay inay dhiig ugu deeqaan bukaanada ku jira Isbigaalka Guud ee Gaalkacyo

Next Post

Wasiirka Amniga iyo Maamulka Gobolka oo ka wada hadlay xoojinta Nabadgelyada “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Amniga iyo Maamulka Gobolka oo ka wada hadlay xoojinta Nabadgelyada “SAWIRRO”

Wasiirka Amniga iyo Maamulka Gobolka oo ka wada hadlay xoojinta Nabadgelyada "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In