Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan kulan dhiiri gelin ah la qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 5, 2018
in Wararka
0
Xildhibaan kulan dhiiri gelin ah la qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ayaa maanta cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ee howlgallada ka wada inta u dhexeysa Muqdisho iyo Marka ee dhanka xeebta la qaatay kulan qado ah kaddib markii uu gaarsiiyay xoolo iyo raashin.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Ciidanka maanta uu u tegay Xildhibaanka ayaa dhawaan waxa ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka saareen jidka u dhexeysa Marka iyo Muqdisho ee dhanka xeebta, halkaasi oo ka mid ahayd goobihii Al-Shabaab ay dadku ku dhibaateyn jireen, waxaana ay ciidamadu halkaasi ka sameeyaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

Taliyaha Ururka 28aad guutada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka Kornayl Cabdiqaadir Nuur Xasan (Qoondhe) ayaa Xildhibaanka iyo xubnihii la socday warbixin ka siiyay xaaladda wadada isku xirta Marka iyo Muqdisho oo uu sheegay inay tahay mid amni ah, isla markaana ay ciidamadu had iyo jeer halkaasi ka wadaan howlgallo joogto ah.

Jeneraal Cabdi Cali Jamaame Abaanduulaha qeybta 12-ka April oo Xildhibaanka ka guddoomay neef geel ah ayaa uga mahadceliyay dhiiri gelinta uu u sameynayo ciidamada Xoogga dalka, waxaana uu intaa ku daray inay joogteynayaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Xildhibaan Yuusuf Ibraahim (Yuusuf kabaale) ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkiisa ay la xiriirtay ka warqabka xaaladda ay ku suganyihiin geesiyaasha naftooda u huraya difaaca dalka, waxaana uu ciidamada ku booriyay inay dar dargeliyaan sidii guud ahaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab ay uga xoreyn lahaayeen.

 

Previous Post

Dhallinyaro isu taagtay inay dhiig ugu deeqaan bukaanada ku jira Isbigaalka Guud ee Gaalkacyo

Next Post

Wasiirka Amniga iyo Maamulka Gobolka oo ka wada hadlay xoojinta Nabadgelyada “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Amniga iyo Maamulka Gobolka oo ka wada hadlay xoojinta Nabadgelyada “SAWIRRO”

Wasiirka Amniga iyo Maamulka Gobolka oo ka wada hadlay xoojinta Nabadgelyada "SAWIRRO"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In