Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Mustafa Dhuxulow Oo Booqday Dugsi Ay Wax Ku Bartaan Arday Indhoolayaal Ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Mustafa Dhuxulow Oo Booqday Dugsi Ay Wax Ku Bartaan Arday Indhoolayaal Ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dugsiga Al-Bahsiir , waxa uu ku yaallaa degmada Waaberi ee  gobolkan Banaadir, waxaa wax ku barta adey Soomaaliyeed oo indha la’,  dhismaha dugsigan waa guri  kiro ah uma sameysna xarun waxbarasho, laakiin daruufaha ayaa keenay in halkaan ay ardeydu wax ku bartaan,.

Xarunta  dugsiga Al-Bashiir, waxa uu ka kooban  yahay Fasallada lagu bixiyo casharrada iyo qolalka ay Jiiftaan, iyagoo isugu jira Wiilal iyo Gabdho aad u da’yar, waxaana ay halkaas ku qaataan nolol maalmeed u dhigma midka dadka caadiga ah ama aragga heysta oo kale.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, waa mudane ka tirsan Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, waxaa uu isku dayey in uu si dhow ula socda xaaladda Waxbarasho ee Carruurta aragga la’ ee dusgiga Al-Basiir, si uu u dhiirageliyo rajada ay leeyihiin.

Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa tagay xarunta dugsiga ay ardeydu ku sugan yihiin, halkaas ayuuna ku soo arkay  sida niyad wanaagga leh ee ay diyaarka ugu yihiin in ay xoojiyaan hamiga waxbarasho caruurta ardeyda ah, xildhibaanka ayaa gudaha u galay fasallada casharada ay ku qaadanayeen, waxa uu  wareystay qaar ka mid ah wiilasha iyo gabdhaha fasallada fadhiyey.

Xildhibaanka, waxaa wehliyey Abuukar Cawaale “Qaad-diid” waxa uu yiri “waxaan la qiiroodey in ay Muqdisho ku sugan yihiin ardey Soomaaliyeed oo aragga la’ hadana leh mustaqbal wanaagsan, laakiin waxaa  nawada saaran inaan u istaagno sidii aan u caawin laheyn, maadaama u nagu hoggaamiyey Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow”.

Waxaan  gudaha u galnay qeybaha Jiifka ee ay Ardeydu seexdaan, halkaas waxaa ka muuqdey Sariiraha ay ku jiiftaan oo u baahan in wax badan laga badelo, waxaana war-bixin ka hadleysa xaaladda Dugsiga Al-Basiir na siiyey Maamulaha dugsigaasi.

Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo uu wehliyo Abuukar Cawaale Qaad-diid, ayaa maamulka dugsiga Al-Basiir ku dhiirageliyey in Isbitaal la geeyo laba ka mid ah ardeyda aragga la’  oo la sheegay in ay suuragal tahay dib u soo celinta aragtidooda, waana mid ka mid ah  rajada Mustaqbal ee ay leeyihiin carruurtaas arag la’aanta ah.

Maamulaha Dugsiga ardeyda Indhoolayaasha ah ee Al-Basiir, Abiikar Xuseen Bashiir, ayaa yiri “Waxaan si kale iyo laab ah ugu mahadcelinayaa Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, oo noo muujiyey in ay ka go’antahay garab istaagga carruurtaan masaakiinta ah, waxaan  ku talinayaa bulshada inteeda kale ay ku daydaan xildhibaanka”, isagoo si kooban u sharaxay baahiyaha ka jira Iskuulka Al-Bashiir.

Ardaydani ayaa hamigoodu ah mid sare iyagoo isku dayaya in ay ay horumar ka gaaraan waxbarashadooda, iyagoo aan waxba arag, waxaana muhiim ah in bulshada Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliya  ay garab istaagaan ardaydani oo u baahan caawimaad dhab ah, waxaana booqashada Wasiir hore Xildhibaan Mustafa Sheekh Ay dhiira galin  u tahay ardaydaasi iyo in bulshadu ay ku baraarugto Xaalada Ardaydani aragga la’ .

dhulow 2dhuxulow    

 

Previous Post

Tilmaamaha Kooxaha Xag-jirka ah-DHAGYSO

Next Post

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo ka warbixiyay safaro uu ku tagey dhowr dal

Next Post
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo ka warbixiyay safaro uu ku tagey dhowr dal

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo ka warbixiyay safaro uu ku tagey dhowr dal

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In