Qada sharaftani uu maanta u sameeyay Wasiirkii hore Wasaaradda Warfaafinta Xildhibaan Mustafe Sheikh Cali Dhuxulow, 53 arday oo isugu jirta wiilal iyo gabdho agoon ah ayaa lagu qabatay, Hotelka SYl, iyadoo qadadaasi ay ka qeyb galeen Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Dalka,Odayaal dhaqameedyo,Siyaasiyiin,iyo Marti sharaf kale.
Ardaydani ogaanta oo galay Fasaxa Sanad Dugsiyeedka ayaa wajiyadooda waxaa laga dheehan karay Farxad iyo sida ay ugu faraxsan yahiin Qada sharafta ,iyo lacago shilin Soomaali ah uu u qeybiyay Xildhibaan Mustafe.
Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaalle oo Mar walbo waqtigiisa ku bixiyay Taakuleynta agoonta, ayaa ka warbixiyay jamciyadda SOHEDA, waxaana wax lagu farxo uu ku tilmaamay sida Xildhibaan Mustafe uu u caawinayo dadka danyarta ah.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) ayaa Balan qaaday in uu hal Canug ah oo ka mid ah agoontii maanta uu kafaalo qaadayo waxbarashadiisa iyo noloshiisa inta uu aduunka jooga.
Mustafe Shiekh Cali Dhuxulow oo ah mudane ka tirsan golaha shacabka oo islamarkaana soo qaban qaabiyay qadada caruurta ayaa sheegay , in uu waqtigiisa inta ugu badan uu la qaadanayo agoonta iyo dadka tabaaleysan Waxaana dadka Soomaaliyeed uu ka dalbaday in ay garab istaagaan islamarkaana ay taakuleeyaan walaalahooda.
“Ardaydeena ama wiilasheena waa kuwa wanaagsan, dadka Soomaaliyeed waa dad jecel in ay istaakuleeyaan iyagoo qabiil iyo wax kale fiirinaynin, diyaar ayaan u ahay dhiiragalinta dhalaanka agoonta Soomaaliyeed shacabka Soomaaliyeedna” Ayuu yiri Xildhibaan Mustafe.