Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Samra oo ka warbixisay xaalada degmada Qansax dheere-Dhageyso

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Samra oo ka warbixisay xaalada degmada Qansax dheere-Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya oo  dhowaan booqatay degmada Qansax-dheere oo ka tirsan gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegtay in ay dadka ku nool degmadaas ay dhibaato bani’aadanimo aad u daran heysato taas oo ka dhalatay abaaro iyo waddooyinka degmadaas oo ay xireen maleeshiyaadka Al-shabaab muddo afar sano ka badan.

Xildhibaan Samra, ayaa intaa ku dartay in degmada ay gaarsiisay deeq isugu jirta raashiin iyo dawo oo qeybka ahaa deeqda gurmadka abaaraha oo ay wadaan dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Gargaar ayaan gaarsiiney daawo ka socotay maamulka Koofur galbeed wasaaradda caafimaadka iyo hey’adaha samafalka ah, sidoo kale lacagtii gudiga abaaraha maamulka Koofur galbeed oo aniga la ii dhiibey,” ayay tiri Xildhibaan Samra.

Samra Ibraahim Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta degmada Qansax-dheere ay u dheer tahay cuduro ka dilaacay deegaanka oo ay tiro dad ah u geeriyoodeen.

“Waxaan aragnay dad shuban dadkooda u geeriyoodeen waxayna ka dhaheen dadka waa ay iska dhimanayaan sida ay u shubmayaan waayo wax dawo ah looga hayo, Baydhabo ayaa ah meesha ugu dhow gaari lagu qaado ma lahan maadaama ay waddooyinka xiran yihiin,” ayay hadalkeed ku dartay.

Xildhibaan Samra Ibraahim Cumar, ayaa baaq u dirtay dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha gargaarka in ay si deg deg ah ugu gurmadaan dadka ku dhibaateysan degmada Qansax dheer ee gobolka Baay.

Degmada Qansax-dheere ee gobolka ayaa kamid ah degmooyinka wax soo saarka dhanka beeraha ku wanaagsan, hase yeeshee dhibaatooyinka abaaraha iyo colaadaha oo is biirsaday ayaa dadka degmadaas ka dhigay kuwo aad u nugul.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/03/WAREYSI-XILDH.-SAMRA-IBRAAHIM-CUMAR.mp3
Previous Post

Maamulka Ahlu Suna Waljamaaca oo Sheegay in Ciidankooda ay ku biirin doonaa Ciidanka Xooga Dalka.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo kulan casho sharaf ah u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka.

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ka codsaday iney joojiyaan dibadbaxyada+Daawo Video

Madaxweyne Farmaajo oo kulan casho sharaf ah u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka.

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In