Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Samra oo ka warbixisay xaalada degmada Qansax dheere-Dhageyso

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Samra oo ka warbixisay xaalada degmada Qansax dheere-Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya oo  dhowaan booqatay degmada Qansax-dheere oo ka tirsan gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegtay in ay dadka ku nool degmadaas ay dhibaato bani’aadanimo aad u daran heysato taas oo ka dhalatay abaaro iyo waddooyinka degmadaas oo ay xireen maleeshiyaadka Al-shabaab muddo afar sano ka badan.

Xildhibaan Samra, ayaa intaa ku dartay in degmada ay gaarsiisay deeq isugu jirta raashiin iyo dawo oo qeybka ahaa deeqda gurmadka abaaraha oo ay wadaan dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

“Gargaar ayaan gaarsiiney daawo ka socotay maamulka Koofur galbeed wasaaradda caafimaadka iyo hey’adaha samafalka ah, sidoo kale lacagtii gudiga abaaraha maamulka Koofur galbeed oo aniga la ii dhiibey,” ayay tiri Xildhibaan Samra.

Samra Ibraahim Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta degmada Qansax-dheere ay u dheer tahay cuduro ka dilaacay deegaanka oo ay tiro dad ah u geeriyoodeen.

“Waxaan aragnay dad shuban dadkooda u geeriyoodeen waxayna ka dhaheen dadka waa ay iska dhimanayaan sida ay u shubmayaan waayo wax dawo ah looga hayo, Baydhabo ayaa ah meesha ugu dhow gaari lagu qaado ma lahan maadaama ay waddooyinka xiran yihiin,” ayay hadalkeed ku dartay.

Xildhibaan Samra Ibraahim Cumar, ayaa baaq u dirtay dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha gargaarka in ay si deg deg ah ugu gurmadaan dadka ku dhibaateysan degmada Qansax dheer ee gobolka Baay.

Degmada Qansax-dheere ee gobolka ayaa kamid ah degmooyinka wax soo saarka dhanka beeraha ku wanaagsan, hase yeeshee dhibaatooyinka abaaraha iyo colaadaha oo is biirsaday ayaa dadka degmadaas ka dhigay kuwo aad u nugul.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/03/WAREYSI-XILDH.-SAMRA-IBRAAHIM-CUMAR.mp3
Previous Post

Maamulka Ahlu Suna Waljamaaca oo Sheegay in Ciidankooda ay ku biirin doonaa Ciidanka Xooga Dalka.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo kulan casho sharaf ah u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka.

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ka codsaday iney joojiyaan dibadbaxyada+Daawo Video

Madaxweyne Farmaajo oo kulan casho sharaf ah u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka.

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In