Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Xaadoole oo ka hadlay guulaha waaweyn oo ay dowladda soo hoysayy

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Xaadoole oo ka hadlay guulaha waaweyn oo ay dowladda soo hoysayy
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyay doorka laamaha amniga iyo booliiska Qaranka oo ay ka qaadanayaan la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Mudane Xaadoole ayaa mar uu ka hadlayay golaha shacabka waxaa uu yiri: “Waxaa mahad iska leh ciidamada amniga iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka dhigay Caasimada meel nabdoon oo ku naaloonaysa nabad iyo xasilooni”.

Related posts

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026

Xildhibaanka ayaa ku nuuxnuuxsaday inay lagama maarmaan tahay in laga adkaado kooxaha nabad diidka ah, si shixnadaha gurmadka loo gaarsiiyo goobaha ay dhibaatadu ka dhacday, iyadoo dhulka la marinayo oo aan lagu soo qaadin diyaarado.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale bogaadiyay waxqabadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo yiri:

“Waxaan bogaadinayaa guulaha taariikhiga ah ee la gaaray toddobaadyadii la soo dhaafay, kuwaas oo ah qaadista Cunaqabateynta hubka ee dalka lagu soo rogay tan iyo 1992, Deyn Cafinta iyo ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika.”

Previous Post

Duqa Muqdisho oo furay shirka Wadatashiga Dib-u-cusbooneysiinta Qorshaha hormarinta Qaranka

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo xafiiskiisa kulan Sagootin ah kula qaatay Marwo Anita Kiki Gbeho

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo xafiiskiisa kulan Sagootin ah kula qaatay Marwo Anita Kiki Gbeho

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo xafiiskiisa kulan Sagootin ah kula qaatay Marwo Anita Kiki Gbeho

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In