Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanada BJFS ee ka soo jeeda Galmudug oo soo dhoweeyay dadaalada Ra’iisal wasaare Kheyre uu ka wado Galmudug.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Galmudug ayaa bogaadiyay howlaha baaxadda leh ee Wafdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ay ka wadaan Galmudug.

Xildhibaan Cabdixakiim Macalin Axmed oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb ayaa soo dhoweeyay dadaalada Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdigiisa ay ka wadaan Galmudug ee ku aadan sidii dib la isugu keeni lahaa Shacabka Galmudug looguna dhisi lahaa maamul mideysan oo loo wada dhan yahay.

Related posts

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

March 18, 2026

“Waxaan rabaa ugu horeyn inaan halkan uga mahad celino Ra’iisal wasaaraha Xukuumadada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo runtii mudo aad u dheer ka shaqeynayay sidii Galmudug dib la isugu keeni lahaa,sidii shaqadii Galmudug,Dowladnimadii,maamul iyo Ciidankii Galmudug loo hagaajin lahaa,aadbaa runtii dowrkaasi u taageereynaa,waxaan hubaa runtii in shacabka Galmudug ee aan soo aragnay iney ku faraxsan yihiin dadaalkaasi socda,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdixakiim Macalin Axmed.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa u mahad celiyay,madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf,Madaxa Xukuumadda Sheikh Shaakir iyo dhammaan madaxda Galmudug sida ay ugu dhabar adeygeen iney mideeyaan shacabka Galmudug una soo dhoweeyeen Wafdi Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee ku sugan Galmudug.

Xildhibaan C/llaahi Gaafow Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senator Jawaahir Axmed Cilmi ayaa si isku mid ah usoo dhoweeyay dadaalada Ra’iisal wasaare Kheyre uu ka wado deegaanada Galmudug.

Waxayna ugu baaqeen Xildhibaanada ka soo jeeda Galmudug iney ka qeyb qaataan dadaalada la doonayo in Galmudug cusub dib loogu yagleelo.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Ganacsatada Kasoo Jeedda Galmudug

Next Post

Wasiir Sadiiq Warfaa”30 sanno kaddib waxaan, raadinaynaa sahanka suuq shaqada rasmiga ee Soomaaliya ka jira”,

Next Post
Wasiirka shaqada XFS oo khudbad ka jeediyay shir-weynaha shaqaalaah adduunka ee Geneva

Wasiir Sadiiq Warfaa”30 sanno kaddib waxaan, raadinaynaa sahanka suuq shaqada rasmiga ee Soomaaliya ka jira”,

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

March 18, 2026
0

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu talagalay Ciidda u qeybiyey hooyooyin iyo carruur ku jira Isbitaalka Xoogga,...

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In