Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Aqalka Sare oo ku baaqay in la xoojiyo Amniga Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay horumarinta Baydhabo oo lagu qabtay isla magaaladaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Senatarada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku metala Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kullamo mudo u socday waxay ka soo saareen war murtiyadeed ku saabsan Xaaladdaha Amni, Siyaasadeed,bulsho iyo midda dhaqaale  ee shacabka Koonfur Galbeed.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Senatarada ayaa marka hore cambaareeyay qaraxyadii kooxaha argagixisada 13-kii bishan October ay ka geysteen magaalada Baydhabo, weerarkaasi oo dad shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen, waxayna tacsi tiiraanyo leh u direen dhammaan dadkii ku geeriyooday Qaraxyadaasi.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen iney laba jibaaraan in gargaar ku filan oo deg deg ah la gaarsiiyo dadkii ay dhibaatada soo gaartay.

Iyadoo Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed isku diyaarineyso doorashada Madaxweynaha ayaa senatarada waxay ugu baaqeen dhammaan shacabka, musharaxiinta iyo Hay’adaha Amniga iney xil gaar ah iska saaraan Amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Xildhibaanada Aqalka sare ku metala Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo waajib gaar ah ka saaran yahay doorashada Madaxweynaha kula dar daarmay iney guud ahaan doorashada u maamulaan si daah-furnaan leh, isla markaana hormuud ka noqdaan doorasho si xalaal ah u dhacda, waxayna si gaar ah ugu baaqeen in la de-dejiyo magacaabista Guddiga doorashada, laguna qabto doorashada waqtigii loogu talagay.

Gabagabadii ayay Senatarada waxay ugu baaqeen shacabka Koonfur Galbeed iney ilaashadaan Midnimada, Nabadda iyo Xasiloonida deegaanka, iskana ilaaliyaan in iyaga aan loo adeegsan bur-burinta xasiloonida deegaannadooda.

Previous Post

Ciidamada Amniga oo gacan ku dhigay eedeysane fal dil ah ka geystay Gaalkacyo

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka

DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In