Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Baarlaamanka oo loo qeybiyay dib eegista miisaaniyadda 2015-ka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo hadal ka jeediyey furitaanka kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa ugu horeyn howlwadeennada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka uga tacsideeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Raxmo Maxamed Cabdiqaadir oo ka mid aheyd howlwadeennada Baarlamaanka oo saakay dhagarqabeyaal ay ku dileen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sii gudagalay ka doodista Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, kaasi oo maalmahan doodiisu ay ka socotay xarunta Baarlamaanka, waxaana dooda Xildhibaannada ee maanta ay ku qotontay guddiga ama hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee la doonayo in la sameeyo, in maamul goboleedyada dalka ka jira iyo shirkadaha isgaarsiinta laga talageliyo sameynta sharcigan, waxaase ay Mudaneyaashu Baarlamaanku ka sinnaayeen aragti ahaan baahida loo qabo in sharcigan la meel mariyo.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in uu jiro mooshin ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka kasoo gudbiyeen qodob ka mid ah Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka, mooshinkaasina ay Xildhibaannadu u codeyn doonaan maalinta Isniinta ah hadii uu Alle idmo.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa maanta loo qeybiyey dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan 2015taasi oo Golaha Wasiirradu soo ansixyeen 25-Jully-2015, waxaana sida uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka qabo ay Xildhibaannadu soo akhrisan doonaan dib u eegista miisiiniyadda Dowladda mudo 48 saacadood ah kaddib kolkaasi oo akhrintaasi la gudageli doono.

 

Previous Post

Maxkamadda gobolka oo xukunno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Next Post

Wasiirka Warfaafinta iyo safiirka Britain ee Soomaaliya oo ka wada hadlay horumarinta Warbaahinta

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”

Wasiirka Warfaafinta iyo safiirka Britain ee Soomaaliya oo ka wada hadlay horumarinta Warbaahinta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In