Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barlamaanka oo maanta ka dooday Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka Oo Goor Dhow Soo Gabagaboobay Iyo Beri Oo Mar Kale Loo Balamay Su’aallo Weydiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay akhrinta koowaad mariyeen Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda Dalka ayaga oo dhinaca kalena Akhrinta Seddexaad mariyey Hindise Sharciyeedka Xanaannada Xoolaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo khudbad ka jeediyey furitaanka kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa Xildhibaannada ku war geliyey in Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu hor keeni doono Golaha Shacabka maalinta sabtida ah ee soo socota barnaamijka Xukuumadda ee la xiriira doorashooyinka la filayo iney dalka ka dhacaan, waxaana uu dhinaca kale shaaciyey in gebi ahaanba la joojiyey safarradii dibadda ay Xildhibaannada u aadi jireen ka qeybgalka shirarka Baarlamaannada caalamka.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Xildhibaannada Baarlamaanku waxa ay guda galeen ajandaha koowaad oo ahaa wax ka bedelka qodobka 10aad ee Sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka waxaana Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow uu Xildhibaannada u sheegay in wax ka bedelka qodobkan ay sabab u tahay mudada xil heynta guddigan madaxa banaan ay ku eg tahay ama la dhammaaneyso mudada Baarlamaanka 9aad ee jira balse loo baahan yahay in loo kordhiyo ilaa sanadka 2020ka.

U codeynta qodobka 10aad ee sharciga dhismaha guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ayaa dib loo dhigay kadib markii ay Xildhibaannadu soo jeediyeen tallooyin ku aadan mudada loo kordhinayo xilka.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa akhrinta koobaad mariyey Hindise Sharciyeedka Maareynta Maalliyadda Dalka waxaana Xildhibaannada Baarlamaanka hor yimid oo sharcigaas u keenay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahin oo isagu Xildhibaannada u sheegay in sharcigan muhiimad weyn ka geysanayo in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Sidoo kale Xildhibaannada Baarlamaanku waxa ay akhrinta Seddexaad mariyeen Hindise Sharciyeedka Xanaannada Xoolaha Dalka kaasi oo mudooyinkan hor yaalay Golaha Shacabka waxaana Guddoomiyaha Guddiga Xanaannada Xoolaha, Beeraha iyo hor marinta reer Miyiga ee Baarlamaanka Xildhibaan Saciid Maxamed Cali oo Baarlamaanka ka hor hadlay uu xusay in sharcigan lagu soo daray tallooyinka ay Xildhibaannadu soo jeediyeen inta lagu jiray akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedkan.

Howsha ugu horeeysa ee Baarlamaanka hada uu wajahayo ayaa ah guda gelidda Barnaamijka Xukuumadda ee la xiriira doorashooyinka dalka ka dhacayo dhamaadka sanadkan 2016.

Previous Post

Wasaqda lagu shubo Xeebaha dalka oo laga digay

Next Post

Ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed oo doortay hoggaan cusub”SAWIRRO”

Next Post
Ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed oo doortay hoggaan cusub”SAWIRRO”

Ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed oo doortay hoggaan cusub"SAWIRRO"

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In