Tuesday, September 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barlamaanka oo maanta ka dooday Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka Oo Goor Dhow Soo Gabagaboobay Iyo Beri Oo Mar Kale Loo Balamay Suโ€™aallo Weydiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay akhrinta koowaad mariyeen Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyadda Dalka ayaga oo dhinaca kalena Akhrinta Seddexaad mariyey Hindise Sharciyeedka Xanaannada Xoolaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan โ€œJawaariโ€ oo khudbad ka jeediyey furitaanka kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa Xildhibaannada ku war geliyey in Raโ€™isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaโ€™arke uu hor keeni doono Golaha Shacabka maalinta sabtida ah ee soo socota barnaamijka Xukuumadda ee la xiriira doorashooyinka la filayo iney dalka ka dhacaan, waxaana uu dhinaca kale shaaciyey in gebi ahaanba la joojiyey safarradii dibadda ay Xildhibaannada u aadi jireen ka qeybgalka shirarka Baarlamaannada caalamka.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026

Xildhibaannada Baarlamaanku waxa ay guda galeen ajandaha koowaad oo ahaa wax ka bedelka qodobka 10aad ee Sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka waxaana Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow uu Xildhibaannada u sheegay in wax ka bedelka qodobkan ay sabab u tahay mudada xil heynta guddigan madaxa banaan ay ku eg tahay ama la dhammaaneyso mudada Baarlamaanka 9aad ee jira balse loo baahan yahay in loo kordhiyo ilaa sanadka 2020ka.

U codeynta qodobka 10aad ee sharciga dhismaha guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ayaa dib loo dhigay kadib markii ay Xildhibaannadu soo jeediyeen tallooyin ku aadan mudada loo kordhinayo xilka.

Dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa akhrinta koobaad mariyey Hindise Sharciyeedka Maareynta Maalliyadda Dalka waxaana Xildhibaannada Baarlamaanka hor yimid oo sharcigaas u keenay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahin oo isagu Xildhibaannada u sheegay in sharcigan muhiimad weyn ka geysanayo in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Sidoo kale Xildhibaannada Baarlamaanku waxa ay akhrinta Seddexaad mariyeen Hindise Sharciyeedka Xanaannada Xoolaha Dalka kaasi oo mudooyinkan hor yaalay Golaha Shacabka waxaana Guddoomiyaha Guddiga Xanaannada Xoolaha, Beeraha iyo hor marinta reer Miyiga ee Baarlamaanka Xildhibaan Saciid Maxamed Cali oo Baarlamaanka ka hor hadlay uu xusay in sharcigan lagu soo daray tallooyinka ay Xildhibaannadu soo jeediyeen inta lagu jiray akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedkan.

Howsha ugu horeeysa ee Baarlamaanka hada uu wajahayo ayaa ah guda gelidda Barnaamijka Xukuumadda ee la xiriira doorashooyinka dalka ka dhacayo dhamaadka sanadkan 2016.

Previous Post

Wasaqda lagu shubo Xeebaha dalka oo laga digay

Next Post

Ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed oo doortay hoggaan cusub”SAWIRRO”

Next Post
Ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed oo doortay hoggaan cusub”SAWIRRO”

Ururrada shaqaalaha Soomaaliyeed oo doortay hoggaan cusub"SAWIRRO"

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
0

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In