Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAWO-Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Ogolaaday Codsiga Ra’isulwasaaraha Ee Dib Ula Laabashada Xukuumadda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka, Xulashada
0
DAAWO-Baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku meel mariyey sameynta guddi Baarlamaanni ah oo la dagaalamma Musuq Maasuqa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaaday codsi uu Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya usoo gudbiyey oo la xiriiray in la siiyo fursad 14cisho ah oo ku doonayo in uu kusoo sameeyo latashiyo uu ku doonayo dhisidda Xukuumad kasban karta kalsoonida Baarlamaanka maadaama uu xalay Guddoonka Baarlamaanka u soo gudbiyey qoraal uu ku muujinayo Ra’isulwasaaraha in uu dib ula laabtay Golaha Wasiirrada Cusub ee uu dhowaan soo dhisay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad kooban ka jeediyey furitaanka Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa Xildhibaannada u akhriyey qoraal uusoo gudbiyey xalay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke kaasi oo uu ku aadanaa in Ra’isulwasaaraha uu dib ula noqday Magacaabidda Xubnaha Golaha Wasiirrada Cusub islamarkaana uu Ra’isulwasaaraha ku codsanayey in la siiyo fursad 14cisho ah oo uu ku sameeyo latashiyo ku aadan soo dhisidda Gole Wasiirro oo kasban kara kalsoonida Golaha Shacabka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Hadal jeedinta Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib waxa uu Afhayeenka Golaha ka codsaday iney u codeeyaan codsiga Ra’isulwasaaraha ee fursad siinta taasina Xildhibaannada Baarlamaanku waxa ay u aqbaleen si caqlabiyad leh oo ma jirin Xildhibaanno diiday codsigaasi.

Gudoomiyaha Baaramaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gebagebadii kulanka Baarlamaanka ka sheegay in xeritaanka kulfadhiga 5aad ee Baarlamaanka oo horey loogu asteeyey 22ka bishan January oo dib u dhacayo ayadoo xeritaanka Kalfadhiga Baarlamaanka ee 5aad uu noqonayo bisha February ee soo socota Shanteeda waxaana uu ka codsaday Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka iney keeneen warbixinnadooda la xiriira waxyaabihii u qabsoomay.

Previous Post

Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Loo Qeybiyey Qoraal Uu Ra’isulwasaaraha Uga Laabanayo Magacaabista Wasiirrada…AKHRISO

Next Post

DAAWO-Wasiir Beyle oo dhigiisa dalka Cumaan ka helay casuumaad

Next Post
DAAWO-Wasiir Beyle oo dhigiisa dalka Cumaan ka helay casuumaad

DAAWO-Wasiir Beyle oo dhigiisa dalka Cumaan ka helay casuumaad

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In