Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya. waxaana oggolaaday 144 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, mana jirin xildhibaan ka aamusay.
Hindisahan ayaa muhiim u ah sugidda amniga xogta iyo kaabeyaasha isgaarsiinta dalka, Sidoo kale wuxuu diiradda saaraya ka hortagga weerarrada dhanka saybarka ah, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo sare u qaadista kalsoonida nidaamyada dijitaalka ah ee dalka.










