Duqa Degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 6-aad ee Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo, kulankiisii koowaad kaas oo ka qabsoomay xarunta Dowladda Hoose ee Gaalkacyo.
Kalfadhigaan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo Eng: Maxamed Cabdi Cilmi, Xoghayaha Dowladda Hoose, Xildhibaannada golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.
Kalfadhiga ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saraaray ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiim.
1-Xisaab xirka Miisaaniyadda 2022
2- Xeerka qaxootiga iyo barakacyaasha
3 -Xeerka Waxbarashada
4- kulanka Agaasimayaasha iyo guddoomiyasha xaafadaha
Xildhibaannada golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa ugu danbeyntii cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ajandayaashii maanta la horkeenay..