Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha shacabka BJFS oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Qaxootiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha shacabka BJFS oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Qaxootiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 23-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa ansixinta Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka ah ee Soomaaliya iyo hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS. Xildhibaannada ayaa cod gacan taag ah ku cadeeyay, waxaa ogolaaday 134-Xildhibaan, waxaa diiday,1 Mudane, waxaa ka aamustay 6-Xildhibaan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib uheshiiniinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida hufan ee ay u ansixiyeen sharcigan oo muhiimad gaar ah u leh Qaxootiga Soomaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo  soo jeediyay in la taageero Musharaxa Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka Xildhibaan Marwa Cabdibashiir Cali oo u tartameeysay xilka Madaxweynaha Inter-Parliamenty Union oo ay ku midoobeen Xildhibaannada Dowladaha Adduunka, waxaana Xildhibaanadu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in laga jaro Xildhibaan kasta $200 Doolar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hadal ka jeediyay xiritaanka Kalfadhiga Seddaxaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku saabsan xiritaanka Kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka oo afartii bilood mar la fasaxo si Xildhibaannada ay ugu laabtaan deegaan doorashooyinkooda.

Guddoomiyaha ayaa dul istaagay waxqadka Kalfadhiga Seddaxaad, waxaana ka mid ahaa ansixinta hindise sharciyeedyo kuwaas oo kala, Hindise Sharciyeedka Hantidhowrka Guud ee Qaranka, Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka, iyo Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Golaha horyaala hindise sharciyeedyo tiro badan oo aan weli la ansixin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa gunaanadka khudbadiisa ku faafaahiyay dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta Al Shabaab, kuwaas oo degaanno iyo degmooyin ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda lagala wareegay, waxaana hada howlgallo socdaan deegaano dhowr ah oo ay ku sugan yihiin Khawaariijta, isagoo tilmaamay in isku soo noqoshada Kalfadhiga 4-aad uu noqdo mid laga Xorreeyay Khawaariijta Al-Shabaab, waxaana Xildhibaannadda ugu baaqay in Xildhibaannada ay soo xaadiraan kalfadhiga xiga si looga doodo Dastuurka KMG ee dalka.

 











Previous Post

Duqa Muqdisho oo la kulmay Maareeyaha Hey’adda aqoonsiga iyo diiwaan gelinta Qaranka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In