Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha shacabka BJFS oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Qaxootiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 13, 2023
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha shacabka BJFS oo ansixiyay Hindise sharciyeedka Qaxootiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 3-aad kulankiisa 23-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa ansixinta Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka ah ee Soomaaliya iyo hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS. Xildhibaannada ayaa cod gacan taag ah ku cadeeyay, waxaa ogolaaday 134-Xildhibaan, waxaa diiday,1 Mudane, waxaa ka aamustay 6-Xildhibaan.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025

Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib uheshiiniinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida hufan ee ay u ansixiyeen sharcigan oo muhiimad gaar ah u leh Qaxootiga Soomaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo  soo jeediyay in la taageero Musharaxa Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka Xildhibaan Marwa Cabdibashiir Cali oo u tartameeysay xilka Madaxweynaha Inter-Parliamenty Union oo ay ku midoobeen Xildhibaannada Dowladaha Adduunka, waxaana Xildhibaanadu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in laga jaro Xildhibaan kasta $200 Doolar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hadal ka jeediyay xiritaanka Kalfadhiga Seddaxaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku saabsan xiritaanka Kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka oo afartii bilood mar la fasaxo si Xildhibaannada ay ugu laabtaan deegaan doorashooyinkooda.

Guddoomiyaha ayaa dul istaagay waxqadka Kalfadhiga Seddaxaad, waxaana ka mid ahaa ansixinta hindise sharciyeedyo kuwaas oo kala, Hindise Sharciyeedka Hantidhowrka Guud ee Qaranka, Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka, iyo Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangaliyo-doonka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa Golaha horyaala hindise sharciyeedyo tiro badan oo aan weli la ansixin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa gunaanadka khudbadiisa ku faafaahiyay dagaalka lagula jiro kooxda Khawaariijta Al Shabaab, kuwaas oo degaanno iyo degmooyin ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda lagala wareegay, waxaana hada howlgallo socdaan deegaano dhowr ah oo ay ku sugan yihiin Khawaariijta, isagoo tilmaamay in isku soo noqoshada Kalfadhiga 4-aad uu noqdo mid laga Xorreeyay Khawaariijta Al-Shabaab, waxaana Xildhibaannadda ugu baaqay in Xildhibaannada ay soo xaadiraan kalfadhiga xiga si looga doodo Dastuurka KMG ee dalka.

 











Previous Post

Duqa Muqdisho oo la kulmay Maareeyaha Hey’adda aqoonsiga iyo diiwaan gelinta Qaranka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

July 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In