Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta 1aad marsiiyay heshiis khuseeya ilaalinta Hidaha dhaqanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Mursal oo goordhow furay kulanka maanta ee Golaha Shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jederaalka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa ajendaha koowaad ee kulanka maanta waxa uu kaga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin howlaha ugu muhiimsan ee Golaha horyaala kalfadhigan lixaad ,shuruucda ay Golaha ansixiyeen ee horyaala Golaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha ayaa soo hadal qaaday kala aragti duwanaansho u dhaxeysay labada Aqal ee Baarlamaanka oo hada xal laga gaaray.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ah arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka, dejinta jadwalka dhameystirka Dastuurka, waxa uuna ugu dambeyn uu Xildhibaannada Golaha kula dardaarmay in ay soo xaadiraan kulamada Golaha si uu goluhu u guto waajibaadka horyaala inta mudda xileedkiisa kaga harsan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha shacabka ayaa Akhrinta koowaad Marsiiyay heshiis khuseeya ilaalinta hidaha dhaqanka iyo midka dabiiciga iyo Qoraalka heshiiska ilaalinta Hida dhaqameedka aan muuqan, waxana Golaha u soo gudbiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Akhrinta 2-aad ee sharciga Istaatiistikada ama tira koobka Qaranka, Akhrinta 2-aad ee sharciga furdooyinka, Hindise sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed, Hindise sharciyeedka Nootaayada dadweynaha, Akhrinta 2-aad ee sharciga maamulka Dakhliga, Hindise sharciyeedka dib u eegista shaciga Xisbiyada siyaasadda ee dalka, Qoondada ku noqoshada miisaaniyadda 2019-ka, Akhrinta 2-aad ee sharciga Iibka Qaranka, qeybinta maaliyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Warbixinta hantidhowrka ee 2018-KA iyo sidoo kale Xisaab xir maaliyadeedka 2018-KA,

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn kulanka soo xiray.

Previous Post

Yiwu-China: Suuqa-habeen, ganacsiga xoogan ee Soomaali iyo Ajnabi leh ee ka socda (Warbixin)

Next Post

Wasaarada Dhalanyarada iyo Ciyaaraha Dowlad goboleedka K/galbeed oo Baydhabo ku Dahfurtey Kulan looga hadlaayey horumarinta siyaasadda dhalanyarada.

Next Post
Wasaarada Dhalanyarada iyo Ciyaaraha Dowlad goboleedka K/galbeed oo Baydhabo ku Dahfurtey Kulan looga hadlaayey horumarinta siyaasadda dhalanyarada.

Wasaarada Dhalanyarada iyo Ciyaaraha Dowlad goboleedka K/galbeed oo Baydhabo ku Dahfurtey Kulan looga hadlaayey horumarinta siyaasadda dhalanyarada.

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In