Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta 1aad marsiiyay heshiis khuseeya ilaalinta Hidaha dhaqanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 19, 2019
in Wararka
0
Guddoomiye Mursal oo goordhow furay kulanka maanta ee Golaha Shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jederaalka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa ajendaha koowaad ee kulanka maanta waxa uu kaga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin howlaha ugu muhiimsan ee Golaha horyaala kalfadhigan lixaad ,shuruucda ay Golaha ansixiyeen ee horyaala Golaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha ayaa soo hadal qaaday kala aragti duwanaansho u dhaxeysay labada Aqal ee Baarlamaanka oo hada xal laga gaaray.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ah arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka, dejinta jadwalka dhameystirka Dastuurka, waxa uuna ugu dambeyn uu Xildhibaannada Golaha kula dardaarmay in ay soo xaadiraan kulamada Golaha si uu goluhu u guto waajibaadka horyaala inta mudda xileedkiisa kaga harsan.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha shacabka ayaa Akhrinta koowaad Marsiiyay heshiis khuseeya ilaalinta hidaha dhaqanka iyo midka dabiiciga iyo Qoraalka heshiiska ilaalinta Hida dhaqameedka aan muuqan, waxana Golaha u soo gudbiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Akhrinta 2-aad ee sharciga Istaatiistikada ama tira koobka Qaranka, Akhrinta 2-aad ee sharciga furdooyinka, Hindise sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed, Hindise sharciyeedka Nootaayada dadweynaha, Akhrinta 2-aad ee sharciga maamulka Dakhliga, Hindise sharciyeedka dib u eegista shaciga Xisbiyada siyaasadda ee dalka, Qoondada ku noqoshada miisaaniyadda 2019-ka, Akhrinta 2-aad ee sharciga Iibka Qaranka, qeybinta maaliyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Warbixinta hantidhowrka ee 2018-KA iyo sidoo kale Xisaab xir maaliyadeedka 2018-KA,

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn kulanka soo xiray.

Previous Post

Yiwu-China: Suuqa-habeen, ganacsiga xoogan ee Soomaali iyo Ajnabi leh ee ka socda (Warbixin)

Next Post

Wasaarada Dhalanyarada iyo Ciyaaraha Dowlad goboleedka K/galbeed oo Baydhabo ku Dahfurtey Kulan looga hadlaayey horumarinta siyaasadda dhalanyarada.

Next Post
Wasaarada Dhalanyarada iyo Ciyaaraha Dowlad goboleedka K/galbeed oo Baydhabo ku Dahfurtey Kulan looga hadlaayey horumarinta siyaasadda dhalanyarada.

Wasaarada Dhalanyarada iyo Ciyaaraha Dowlad goboleedka K/galbeed oo Baydhabo ku Dahfurtey Kulan looga hadlaayey horumarinta siyaasadda dhalanyarada.

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In