Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo akhrinta koowaad marsiiyay labo Hindise sharciyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Barlamaanka oo maanta ka doodaya sharciga xuduudaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar , waxaana ajendaha kulanka uu ahaa qeybinta heshiis dhex maray Soomaaliya iyo Hindiya oo ku saabsan Isdhaafsiga Maxaabiista Xukuman,Warbixinta gudiga Isgaarsiinta oo ku saabsan sharciga Isgaarsinta oo Aqalka sare usoo celiyay golaha shacabka, akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka kheyraadka Biyaha iyo sidoo kale akhrinta koowaad Hindise sharciyeedka Waxbarashada Heerka 1-aad 2-aad iyo Tacliinta sare.

Sida uu qabo qodobka 56-aad farqadiisa 5aad ee xeer Hoosaadka Golaha Shacabka oo ku saabsan magacaabida guddi gaar ah oo leh jiritaan cayiman guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa soo magacaabay guddi gaar ah oo loo xilsaaray qaraarkii golaha Wasiirada ee lixdii bishan kaddib doodii kulankii 17-aad ee Golaha Shacabka uu yeeshay 13-kii bishan kuna saaabsanaa qaraarkii golaha Wasiirada oo Ra’yiga aqlabiyada Xildhibaanada golaha shacabka uu ku taliyay in loo saaro guddi gaar ah oo kasoo baarandega arrimaha ku xusan qaraarka golaha Wasiirada ee kor ku xusan, waxaana xoghayaha golaha shacabka ugu horeyn golaha ka hor aqriyay magacyada gudiga uu Guddoomiyaha magacaabay.

Related posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026

Intaasi kaddib waxaa la guda galay warbixinta Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo ay golaha kusoo celiyeen golaha Aqalka sare, waxaana golaha ka hor akhriyay Xildhibaan Jabriil oo ah xoghayaha guddiga Isgaarsiinta, Warfaafinta iyo Wacyi gelinta ee Golaha Shacabka.

“Mudane guddoomiye markaan aragnay nuqulka hindise sharciyeedka aqalka sare noo soo gudbiyay, waxa ay wax kordhin ku sameeyeen qodobka 10-aad farqadiisa koowaad xafka C oo ay ka dhigeen hal xubin bulshada rayidka/ shacabka, halka markii hore uu ahaa hal xubin oo bulshada rayidka, waxa ay ku soo dareen oo kaliya hal erey oo ah shacab, waxaana halkan kuugu soo lifaaqnay asalka Hindise sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka si loogu gudbiyo habraaca meel marinta madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaan Jabriil.

Wasiirka Biyaha iyo Korontada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibrow ayaa golaha ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha oo ay Wasaaradiisu soo diyaarisay iyo ujeedada hindise sharciyeedka oo uu ku sheegay inay muhiim u tahay dalka.

Xildhibaanada ayaa Wasiirka Biyaha iyo Korontada weydiiyay Su’aalo ku saabsan dhibaatooyinka biyaha ah ee dalka ka jira ee uu xalinayo sharcigan haddii la ansixiyo iyo culeyska miisanaiyadeed ee uu soo kordhinaayo sharcigan haddii la ansixiyo Sanadka Koowaad iyo Sanadaha Xiga, iyadoo Wasiirka uu ka jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaanada weydiinayeen.

Sidoo Kale Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka waxbarashada dalka ee heerka 1-aad 2-aad iyo sidoo kale tacliinta sare oo uu sheegay in sharciga uu ka hadlayo dhismaha dhulka, dugsiyada dowladda iyo hantida ma guurtada ah ee ay leedahay Wasaaradda sida loo maamulayo.

Wasiirka ayaa xusay in sidoo kale uu sharcigan ka hadlayo waxbarashada dhanka tacliinta sare ee Jaamacadaha.

Xildhibaanada ayaana Wasiirka waxbarashada weydiinayay su’aalo ku saabsan hindiseedkan ay soo diyaasrisay Wasaaradiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa kula dardaarmay Wasaaradaha Xukuumadda in marka ay sharcaiyada diyaarinayaan dib u fiiriyaan sharciyadiia hore ee uu dalku lahaa iyo sidoo kale deeqaha waxbarasho oo ay si siman u wada helaan ardayda Soomaaliyeed.’

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in labad hindise sharciyeed ee maanta la horkeenay golaha shacabka ay muhiim u yihiin shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay muwaadiniintii Soomaaliyeed ee  kaalinta weyn ka qaatay horumarinta adeeagyada ee dalka.

 

 

 

Previous Post

Bulshada oo loogu baaqay inay gurmad gaarsiiyaan dadka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed

Next Post

Saddex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay duleedka Jowhar “Dhageyso”

Next Post
Saddex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay duleedka Jowhar “Dhageyso”

Saddex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay duleedka Jowhar "Dhageyso"

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo...

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026
0

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u...

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In