Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday sharciyo muhiim u ah dalkeenna “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday sharciyo muhiim u ah dalkeenna “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 18-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka oo ahaa

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

1-dhameystirka dooda warbixinta guddiga wadajirka ah Xabsiga dhexe ee Xamar,

2-Akhrinta koowaad ee heshiiska dhismaha aagga Ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika,

3-Qeybinta warbixinta akhrinta 3-aad  ee Hindise Sharciyeedka Hantidhowrka guud ee Qaranka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood adag ka yeeshay warbixinta Xabsiga dhexe ee Xamar iyagoona sheegay in aan la aqbali karin in dad muwaadiniin soomaali ah si sharci-dara ah ugu xirnaadaan xabsiga dhexe ee xamar sidoo kale dooda xildhibaanada waxaa kamid ahaa arinta xildhibaanad hore oo xabsiga ku xiran iyadoona wali helin wax cadaalad ah, intaas kadib Guddoomiyaha ayaa ugu mahadceliyay xildhibaanada doodooda sidoo kale waxa uu u mahadcelin u jeediyey sadexda Guddi ee warbixnta ka soo diyaariyay arrimaha ka taagan xabsiga asigoona sheegay in Guddoonka Golaha shacabka BJFS  uu la fariisan doono Maalinta berita ah sedaxda Guddi ee loo xilsaaray inay warbixin kasoo diyaariyaan arrimaha ka jira xabsiga dhaxe ee xamar.

Intaasi kadib ayaa waxaa la guda galay ajendaha kale oo ku saabsanaa akhrinta 1aad ee Heshiiska dhismaha aagga Ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Dhismaha hay’adda Aagga Ganacsiga Xorta ah oo uu ka hor akhriyey Wasiirka Ku-xigeenka Wasaarada  Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo) isigoo sheegay in heshiiskan uu Dalka Muhiim u yahay loona baahanyahay xildhibaanada in ay Ahmiyad gaar ah siyaaan.

Intaasi kadib Xildhibaannada ayaa dood adag ka yeeshay heshiiska dhismaha aagga Ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, Iyagoo Su’aallo kaweeydiiyay qodobo kamid ah Heshiiska uu Wasiirku hor keenay Xildhibaannada ayaa su’aalahooda iyo doodooda u badneeyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan heshiiska dhismaha aagga Ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika,

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa soo xiray kulanka maanta isagoo faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” sida uu qabo xeerhoosaadka inuu ku wareejiyo Guddiga ku shaqada leh heshiiskan.

Previous Post

Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo DG oo Muqdisho ku soo dhammaaday

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyay shir looga hadlayay mudnaanta dowladda marxaladda deyn-cafinta kadib

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyay shir looga hadlayay mudnaanta dowladda marxaladda deyn-cafinta kadib

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyay shir looga hadlayay mudnaanta dowladda marxaladda deyn-cafinta kadib

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In