Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Xeer Hoosaadka Golaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 29, 2018
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga 4-aad Kulankiisa 19-aad ee golaha shacabka ,waxaa maanta looga hadlay wax ka bedelka Xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo ay maanta mar kale ka doodeen Xildhibaanada Golaha iyo sidoo kale qeybinta  Mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda Liil tirka (Dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Guddiga Xeer-Hoosaadka, Anshaxa, Xasaanada iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada oo mar kale golaha horgeeyay xeer hoosaadka ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay.

Kulanka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Xildhibaanada golaha waxa ay qodob qodob uga doodeen xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo wax ka bedel lagu sameeyay,waxayna qodobo ay ka mid yihiin xasaanada Xildhibaanada, mas’uuliyada shir Guddoonka iyo saameynta Guddoonka golaha ay ku yeelan karto guddoominta kulamada golaha hadii mooshin ama soo jeedin laga keeno aad uga doodeen xildhibaanada golaha shacabka,waxayna xildhibaanada qaarkood ay soo jeediyeen in aad loogu fiirsado qodobada qaar ee ku jira inta aan la ansixin ka hor.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada ka doodista xeer hoosaadka golaha iyo talooyinka ay guddiga ku biiriyeen, isagoo sheegay in dooda ay sii socon doonto.

‘’Mudanayaal waqtiga aan sharciga u lahayn ka badan ayaa maanta shaqeynay, waana idiin kaga mahad celinaya sida wanaagsan ee aad dooda ugu qeyb gasheen iyo sida aad usoo bandhigteen talooyinkiina, runtii wax ka badal xeer hoosaad ma ahan howl yar dooduna way noo sii socon doontaa si xeer lagu wada qanacsan yahay aan iskula ansixino’’ ayuu yiri Guddoomiye Mahad.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha ayaa loo qeybiyay Hindise sharciyeedka hay’adda naafada Qaranka Soomaaliya oo aqrintiisa labaad mari doona iyo mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda Liil-tirka (dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Previous Post

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2019 “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare oo su’aalo weydiiyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya

Next Post
Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare oo su’aalo weydiiyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare oo su’aalo weydiiyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In