Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday xeer hoosaadka Golaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday xeer hoosaadka Golaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka 20-aad kalfadhiga 4-aad ee golaha shacabka ayaa maanta mar kale looga dooday wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

 

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen 141 Xildhibaan ayaa waxaa Shir-Guddoominaayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Qodobada ay Xildhibaanada ka doodeen ayaa waxaa ka mid ahaa ilaalada madaxda imaaneysa xarunta Golaha Shacabka iyo hubka ay wataan, sidoo kale qodob ka hadlaayay waqtiga ay qaadaneyso saxiixa Madaxweynaha ee la xiriira Hindise Sharciyeedyada loo gudbiyo iyo waqtiga Xukuumadda ku soo gudbin karto Hindise Sharciyeedyada.

Xildhibaannada ayaa soo bandhigay talooyin iyo fikrado la xiriira qodobada ku jira xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Xildhibaannada loogu baahan yahay iney si taxadar leh u akhriyaan dhamaan xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Guddoomiye Mahad ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in si wadajir ah oo masuuliyad leh loogu doodo wax ka badalka xeer hoosaadka golaha lagu sameynayo.

“Waxaa soo jeedinaya in qodob qodob loo soo aqriyo xeer hoosaadka maadaama uu muhiim u yahay howlaha golaha, waxa idiinka codsanaya mudanayaal inad guddiga kala shaqeysaan sidii loo soo saari lahaa xeer hoosaad muhiim noo wada ah”. ayuu yiri Guddoomiye Mahad.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in dooda xildhibaanada ay sii socon doonto.

 

 

Previous Post

Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha oo ka qeyb qaatay Ololaha Isxilqaan eelagu dhisayo Tiyaatarka Qaranka

Next Post

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo xubnaha ITU ka codsaday inay taageeraan Qaraarka khuseeya Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo xubnaha ITU ka codsaday inay taageeraan Qaraarka khuseeya Soomaaliya

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo xubnaha ITU ka codsaday inay taageeraan Qaraarka khuseeya Soomaaliya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In