Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha oo ka qeyb qaatay Ololaha Isxilqaan eelagu dhisayo Tiyaatarka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 31, 2018
in Wararka
0
Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha oo ka qeyb qaatay Ololaha Isxilqaan eelagu dhisayo Tiyaatarka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xilli dhawaan Dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqaday Barnamajika Isxilqaan oo lagu dhisayo xarumihii Wasaaradaha iyo Goobihii Khadiimiga ahaa ee ku burburay colaadihii dalka ka dhacay ayaa maanta waxaa masuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka qeyb qaateen Howlaha dib loogu dhisayo Xarunta Tiyaatarka Qaranka.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa goobta ka sheegay in ay diyaar u yihiin kana dhabayn doonaan balanqaadkii Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ee ahaa inaan cidna laga sugin in ay dhisaan Xarumaha Dowlada ee loo baahan yahay in Dowlada oo kaashaneysa Shacabkeeda ay dhistaan goobaha burburka uu ka muuqdo oo ay kamid tahay Xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Agaasimaha guud Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowlada Somaaliya Prof: Maxamuud Maxamad Maxamuud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada Barnaamijka isxilqaan oo dowlada ay ku dhawaaqday.

“Waxa ay Dhismaha goobahan oo kale ay shaqa abuur u noqaneysaa Dhalinyaro badan oo hada shaqa la’aan ay dalka ku heysato hana la baneeyo goobaha Danta guud si iyana loo dhiso”.ayuu yiri Agasimaha Prof: Maxamuud

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Mudane Xaamud Cali Xasan ayaa dhankiisa sheegay in ay Wasaaradu diyaar u tahay ka mira dhalinta Barnaamijka is xil.qaan

“Waa arrin muujineyso in aan isku tashanay oo aan dhisaneyno dalkeena waana talaabo dhanka Horumarka loo qaaday in aan isku tashano oo aan dhisno dalkeena Wasaaradana diyaar ayay u tahay in ay Ololaha Isxilqaan ay ka qeyb qaadato”.ayuu yiri Mudane Xaamud.

Dhanka kale Maamulka Gobalka Banaadir ayaa xarunta Tiyaatarka markii labaad soo gaarsiiyay Agabka dhismaha oo ka qayb qaadan doona dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka,Waxaana qalabkaasi kala wareegay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ahna Isuduwaha shaqada Tiyaatarka ugana mahad celisay sida mar kasta uu Maamulka Gobalka u garab taagan yahay.


Previous Post

Xukuumaadda FS iyo Bangiga adduunka oo kala saxiixay $80 Milyan oo Looga fulinayo Mashaariic Horumarineed  

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday xeer hoosaadka Golaha “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday xeer hoosaadka Golaha “SAWIRRO”

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday xeer hoosaadka Golaha "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In