Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Meelmariyay Heshiiska Iskaashiga Waxbarashada Ee Soomaaliya Iyo Turkiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Meelmariyay Heshiiska Iskaashiga Waxbarashada Ee Soomaaliya Iyo Turkiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka shir guddoominayay ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee marxuum Xidigle Buulle Xuseen oo ka mid ah saraakiisha sida ah gaarka ugu xilsaaran Amniga xarunta Golaha Shacabka oo ay shalay gacan ka xaqdaran ku dhishay magaalada iyo sidoo kale geerida Hooyadii dhashay Xildhibaan Sacdiya Careys oo dhowaan geeriyootay.

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyay Heshiiska Iskaashiga Arrimaha Waxbarashada ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana natiijada codeynta ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” iyo Xildhibaan Sacdiya Salaad oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyay Ansixinta heshiiskan.

Sidoo kale Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaan gelinta Dadweynaha iyo Bixinta Aqoonsiga iyo Hindise sharciyeedka Qaxootiga, waxaana Xildhibaanada u Akhriyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha mudane Isaaq Maxamed Maxamuud oo ay la socdeen mas’uuliyiinta Hay’adda Qaxootiga iyo barakacyaasha Qaranka.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda dhiiragelinta Maalgashiga iyo sidoo Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Adeegyada Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibi ayaa Golaha uga warbixiyay  soo jeedin ay guddoonka golaha u gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana kulanka soo xiray guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

 

Previous Post

Kulan Lagu Tageeerayay Ra’iisu Wasaare Rooble Oo Lagu Qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Galmudug Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Gaalkacyo “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Gaalkacyo “SAWIRRO”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In