Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay kulan wadajir ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Guddoonka labada Aqal ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan, isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan.
Ajandaha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada labada Aqal loo qaybiyo nuqulada wax ka bedelka iyo dhamaystit Dastuurka dalka,iyadoo xildhibaanada la filayaa inay Maanta si toos ah u guda galaan ka doodista Dastuurka dalka