Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta markale yeelanaya kulan wadajir ah, kaas oo ku saabsan sii wadidda Akhrinta 2-aad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022.
Xildhibaannada labada Aqal ayaa shalay kulan yeesha waxa hortegay Wasaairka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo xildhibaanadu su’aalo ay ka weydiiyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022
Su’aalaha Xildhibaannada waxaa ka jawaabayay wasiirka Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo howlwadeena kale oo la socday, waxaana dooda oo dheeratay lagu ballamay maalinta berri ah si ay u sii socoto.