Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada oo loo qeybiyay codsi ka yimid Xukuumadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdsho ayaa waxaa loogu qeybiyay go’aan kasoo baxay golaha Wasiirada, kaasoo ku saabsan Xalinta xaalada siyaasadeed ee Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka shirkii baarlamaanka ee maanta ayaa  Xildhibaannada iyo shacabka ku wargeliyay in uusan lahayn magacyada baraha bulshada lagu sameystay magaciisa, sida Facebook iyo twitter .

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Aniga ma lihi magaceyga cinwaanada lagu sameystay oo lagu qor qoray caay iyo aflagaado kale, aniga waxaan xildhibaanada iyo shacabka u sheegayaa ina an lahayn baro loo adeegsado bulshada, sida facebook iyo twitter, xoghaynanada ayaan la wadaagay in arrintaas ay dacwad ka gudbiyaan” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Afhayeenka baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Xildhibaanada baarlamaanka hor dhigay codsi ka yimid Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo ahaa go’aan Golaha Wasiiradu uu gaaray 21-kii bishaan, oo ay baarlamaanka kaga codsanayeen in uu hakiyo muddo kooban mooshinka  ku saabsan Golaha Wakiilada Maamulka KMG ah ee Jubba.

“Waxaa guddoonka soo gaaray warqad ka timid Ra’iisul wasaaraha, oo ay Xukuumaddu codsaneyso in la hakiyo mooshinka hadda socda heerka uu jooga, oo ay la wareegaan xaaladda oo ay soo baaraan, isla markaana warbixin ka keenaan , Ra’iisul wasaaraha waxa uu ii sheegay in muddo labo isbuuc ah la siiyo, oo ay warbixin cad ka keeni doonaan, marka golaha xukuumadda oo noo ah adimaha ayaa naga soo codsaday marka arrinta ayaa na hortaala”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamanka.

Codsiga ka yimid Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa  jeedadiisu ahayd go’aan gole oo la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee Jubaland, waxaana laga dalbaday baarlamaanka Soomaaliya inay hakiyaan muddo kooban arrinta ku aadan mooshinka ka dhanka ah ee Golaha Wakiilada ee Jubaland, waxaana Xildhibaanada intaas kaddib ay codsadeen in cod la geliyo codsiga Ra’iisul wasaaraha balse sida uu qabo xeer hoosaadka golaha shacabka, 28aad farqadiisa 3-aad waxaa guddoonka golaha ay faraysaa in uu hubiyo guntanka oo ah tirada Xildhibaannada goob jooga ah ka hor codeynta, waxaana markii la tiriyay tirada Xildhibaannada ee shirka fadhida uu guddoomiyaha baarlmaanka ku dhawaaqay in tiradaasi aanu ahayn tirada saxda ah ee codeynta ku bilaabaneyso oo fareyso inay noqoto 139,

“Inta saaka shirka timid oo saxiixday waa 158, hase yeeshee tirada hadda fadhisa marka lagu daro guddoonka iyo habdhoorayaasha waa 130, marka sidaa darteed cod lama qaadi karo, arrintan waa arrin tartiib u baahan, anaga kama boodi karno xeer hoosaadka, marka fadhiga xiga ayay noo noqoneysaa, shirkana wuu noo xiranyahay” ayuu Afhayeenka Baarlamaanka hadalkiisa ku daray.

Previous Post

Madaxwaynaha Maamulka Puntland oo furay Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland

Next Post

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo codsaday in la sameeyo isku xirnaan bulsho

Next Post
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo codsaday in la sameeyo isku xirnaan bulsho

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo codsaday in la sameeyo isku xirnaan bulsho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In