Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada oo loo qeybiyay codsi ka yimid Xukuumadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamanka oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdsho ayaa waxaa loogu qeybiyay go’aan kasoo baxay golaha Wasiirada, kaasoo ku saabsan Xalinta xaalada siyaasadeed ee Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka shirkii baarlamaanka ee maanta ayaa  Xildhibaannada iyo shacabka ku wargeliyay in uusan lahayn magacyada baraha bulshada lagu sameystay magaciisa, sida Facebook iyo twitter .

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

“Aniga ma lihi magaceyga cinwaanada lagu sameystay oo lagu qor qoray caay iyo aflagaado kale, aniga waxaan xildhibaanada iyo shacabka u sheegayaa ina an lahayn baro loo adeegsado bulshada, sida facebook iyo twitter, xoghaynanada ayaan la wadaagay in arrintaas ay dacwad ka gudbiyaan” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Afhayeenka baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Xildhibaanada baarlamaanka hor dhigay codsi ka yimid Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo ahaa go’aan Golaha Wasiiradu uu gaaray 21-kii bishaan, oo ay baarlamaanka kaga codsanayeen in uu hakiyo muddo kooban mooshinka  ku saabsan Golaha Wakiilada Maamulka KMG ah ee Jubba.

“Waxaa guddoonka soo gaaray warqad ka timid Ra’iisul wasaaraha, oo ay Xukuumaddu codsaneyso in la hakiyo mooshinka hadda socda heerka uu jooga, oo ay la wareegaan xaaladda oo ay soo baaraan, isla markaana warbixin ka keenaan , Ra’iisul wasaaraha waxa uu ii sheegay in muddo labo isbuuc ah la siiyo, oo ay warbixin cad ka keeni doonaan, marka golaha xukuumadda oo noo ah adimaha ayaa naga soo codsaday marka arrinta ayaa na hortaala”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamanka.

Codsiga ka yimid Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa  jeedadiisu ahayd go’aan gole oo la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee Jubaland, waxaana laga dalbaday baarlamaanka Soomaaliya inay hakiyaan muddo kooban arrinta ku aadan mooshinka ka dhanka ah ee Golaha Wakiilada ee Jubaland, waxaana Xildhibaanada intaas kaddib ay codsadeen in cod la geliyo codsiga Ra’iisul wasaaraha balse sida uu qabo xeer hoosaadka golaha shacabka, 28aad farqadiisa 3-aad waxaa guddoonka golaha ay faraysaa in uu hubiyo guntanka oo ah tirada Xildhibaannada goob jooga ah ka hor codeynta, waxaana markii la tiriyay tirada Xildhibaannada ee shirka fadhida uu guddoomiyaha baarlmaanka ku dhawaaqay in tiradaasi aanu ahayn tirada saxda ah ee codeynta ku bilaabaneyso oo fareyso inay noqoto 139,

“Inta saaka shirka timid oo saxiixday waa 158, hase yeeshee tirada hadda fadhisa marka lagu daro guddoonka iyo habdhoorayaasha waa 130, marka sidaa darteed cod lama qaadi karo, arrintan waa arrin tartiib u baahan, anaga kama boodi karno xeer hoosaadka, marka fadhiga xiga ayay noo noqoneysaa, shirkana wuu noo xiranyahay” ayuu Afhayeenka Baarlamaanka hadalkiisa ku daray.

Previous Post

Madaxwaynaha Maamulka Puntland oo furay Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland

Next Post

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo codsaday in la sameeyo isku xirnaan bulsho

Next Post
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo codsaday in la sameeyo isku xirnaan bulsho

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo codsaday in la sameeyo isku xirnaan bulsho

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In