Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Dhabancad, ayaa gaaray magaalada Wisil ee gobolka Mudug, halkaas oo ay si weyn ugu dhoweeyeen Saraakiisha Ciidamada xoogga iyo Daraawiishta Galmudug.
U jeedka socdaalka Xildhibaanadan gaaray degmada Wisil ee Koonfurta gobolka Mudug, ayaa salka ku haysa sidii ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen dagaalka Khawaarijta looga sifeynayo deegaannada gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Sidoo kale, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa degmada gaarsiiyay gaadiid iyo ciidan loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga iyo dagaalka ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta Galmudg ay kula jiraan argagixisada Al-shabaab.