Friday, July 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee dowladda oo qabtay kulan tacsi ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa caawa kulan baroor ah ku yeeshay Muqdisho, iyagoo si isku mid ah isugu raacay in gurmad loo fidiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Labada Gole oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in wax laga badalo hanaanka lagu baadi goobayo dadka ku hoos jira bur burka hoostiisa, si loo badbaadiyo haddii ay jiraan kuwa ku xaniban daaraha bur buray.

Related posts

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay kulanka baroor diiqa ah ayaa ugu horeyn tacsi u diray dhamaan Ummadda Soomaaliyeed xasuuqii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe km5 ee magaalada Muqdisho.

Mudane Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay weerarkii qaraxa ay u baahanyihiin gurmad dhinac kasta leh, isagoo ku baaqay in si wada jir ah looga qeyb qaato u gurmashada dadka dhaawac ah.

“Aarsiga ugu weyn waxa ay tahay inaan daryeel u fidino carruurta ay Waalidoontooda xasuuqeen argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo hadalkiisa ku daray “Waxaa noo qorsheysan inaan hal milyan oo dollar aan ka goyno miisaaniyadda dowladda oo la siiyo ehelada dadkii ku dhintay weerarka argagixisadu ay ka geysteen Muqdisho 14-kii bishan”.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Xildhibaannadu ay diyaar u yihiin in hay’adaha Ammaanka ay gacan ku siiyaan meel marinta sharciyada ay rabaan inay ku xaqiijiyaan ammaanka.

“Waxaan rabnaa in la caddeeyo tirada rasmi ah ee wax ku noqotay xaquuqii 14-ki bishan, waxaana Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka ku jira ka dalbanayaa inay tegaan goobkasta oo la geeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa” ayuu yiri Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa sheegay in Isbitaallada Muqdisho uu booqday oo uu xanuunka la qeybsaday bulshada, waxaana uu shacabka ka dalbaday inay hal meel uga soo wada jeestaan sidii loo caawin lahaa walaalood ku jira goobaha caafimaadka.

“Xanuunkii iigu darnaa waxa uu ahaa, nin saaxiibkey ah oo dhintay, ayaa hadana la ii xaqiijiyay in Maanta ay dhimatay Xaaskiisa, xaqiiqdii xanuun waaye” ayuu yiri Senator Abshir Bukhaari.

Senator Abshir Bukhaari ayaa sheegay in saacadan ay weli jiraan dad kale oo ku xaniban bur burka hoostiisa, waxaana uu soo jeediyay in cagafta lagu faagayo bur burka lagu badalo inay dadku ay gacantooda ku qotaan, si loo badbaadiyo dadka la rumeysanyahay inay ku xanibanyihiin bur burka hoostooda.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa ku baaqay in loo gurmado dhaawacyada yaala isbitaallada magaalada Muqdisho, isagoo xusay inay jiraan qoysas aan awoodin inay raashin u geeyaan dadka dhaawac ah maadaama ay qaarkood u badanyihiin qoysas sabool ah, kuwaasi oo uu sheegay inay u baahanyihiin kaalmada bulshada.

“Waxaan rabnaa in la helo Banki dhiig ah oo loogu gurmanayo dadka dhaawaca qaba” ayuu yiri Senator Abshir Bukhaari.

 

 

Previous Post

Agaasimaha SONNA oo la kulmay Madaxda qaar kamid ah Wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka “SAWIRRO”

Next Post

Shirkada Hormuud oo deeq lacageed gaarsiiday dhaawacyada ku jira Isbitaalada Madiina iyo  EX-Degfeer

Next Post
Shirkada Hormuud oo deeq lacageed gaarsiiday dhaawacyada ku jira Isbitaalada Madiina iyo  EX-Degfeer

Shirkada Hormuud oo deeq lacageed gaarsiiday dhaawacyada ku jira Isbitaalada Madiina iyo  EX-Degfeer

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowlada Jabuuti ee Soomaaliya

July 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya...

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In