Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanno tirsan labada Gole ee Baarlamaanka oo gaaray Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Caruurta Mudug oo la ildaran nafaqo darro iyo cudurro kale+Dhageyso warbixin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkcayo, iyagoo u kuurgalaya dhacdadii dilwadareedka aheyd ee todobadaadkii hore ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdigan oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka kooban labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ay gaareen magaalada Gaalkacyo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka ee ka howlgala Galmudug.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026
Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda uu la xiriiro sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dilwadareedkii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay ku dhinteen sagaal ruux, isagoo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay falkaasi xanuunka badan.

“Marka labaad waxaan annagu u nimid halkan, waxaan ahayn wafdi horu dhac ah, ooaan  sugayno wafdi balaaran oo imaan doono ayaan horu dhac u nahay, ujeeddada aan u nimid waxa ay tahay dhacdadii 14-kii bishan dad badan ay ku dhinteen magaalada Gaalakcyo, dhacdadaas oo runtii aad iyo aad dadka Soomaaliyeed, bulshada Caalamka iyo dadka reer Galmudug ay xanuun badan ku keentay,  inaan marka hore isaga tacsiyayno iyo inaan wax ka ogoaano sidii ay u dheceen” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid oo hadalkiisa ku daray “Marka uu wafdiga soo dhameystirmo shir jaraa’id ayaan ka sheegi doonaa iyaga oo faah faahsan talaabada la qaadi doono”.

 

 

Previous Post

DFS oo wafdi u dirtay ka qeyb-galka aaska Abwaan Singub+sawirro

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Dhuusamareeb "SAWIRRO"

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, ayaa...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In