Wednesday, October 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaano hore & odoyaal dhaqameed oo baarlamaanka ka codsaday iney ansixiyaan Xukuumadda Cusub “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Xildhibaano hore & odoyaal dhaqameed oo baarlamaanka ka codsaday iney ansixiyaan Xukuumadda Cusub “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaandii Hore ee Baarlamaanka, Odayaal dhaqameedyo, Siyaasiyiin iyo Xubno ka socday bulashada rayidka ah ayaa saaka kulan isigu yimid ay ku taageerayeen xukuumada cusub ee uu soo magacaabay Raysal Wasaare Cumar Cabdirashid, iguna dalbanayeen xildhibaanada baarlamaanka iney siiyaan codka kalsoonida.

Kulankaan oo quraac ahaa ayaa waxaa laga soo jeediyey talooyin ku aadan qaabka loo soodhisay xukuumadda cusub, waxyaalaha laga sugayo, iyo waqtiga oo gabaabsi ah daraadeed ineysan munaasab ahayn in baarlamaanku hor istaago ansixinteeda,

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Xubno ka tirsan xildhibaanadii hore oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay iney nasiib daro tahay in maanta oo Soomaaliya caalamku u hanweyn yahay soona muuqato rajo farxad galinaysa shacabka Soomaaliyeed in Isbaaro loo dhigto danta qaranka, is hortaagna lagu sameeyo wax kasta oo wanaagsan oo la soo dhiso, iyadoo cudur daar looga dhigayo anaga nalagama tashan.

“Raysal wasaaruhu wuxuu tixigalin siiyey dalabaadkii xildhibaanada, oo u muuqday mid qaldan, kadib markii ay yiraahdeen rag ka tirsan wasiirada soo noqon mayaan, kuwaas oo xuquuq dastuuri ah u leh in dib loo soo magacaabo, raalina ka yihiin beelihii ay ka soo jeedeen. Waxaa ayaan daro ah in maanta la aqbalay dalabkoodii ay sii wadaan carqaladaynta danta qaranka, iyo is hortaaga ay ku samaynayaan aqoon yahano Soomaaliyeed oo ku haboon xilka loo magacaabay” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanadii hore.

Ugaasyada ka hadlay madasha ayaa ku dheeraday muhiimada ay leedahay in xildhibaanadu ku dhaqmaan rabitaanka shacabka iyo talooyinka odayaashii soo xulay, maanta mustaqbalkii dalka gacmahooda ku jiro, dadka Soomaaliyeedna ay eegayaan sida ay u maareeyaan mushkiladaha siyaasadeed ee hada taagan

“Waxaan ka mid ahaa odayaashii 135 ahaa ee soo xulay xubnaha baarlamaanka, waxaana nasiib daro ah ineysan dheg jalaq u siinaynin soo jeedinteena, tan shacabka iyo mida beesha caalamka. Waxaan uga baaqaynaa madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheikh Axmed inuu qaato talaabo dastuuri ah oo uu ku kala dirayo xildhibaanada baarlamaanka, anagoo ah odayaashii soo xulay waxaan diyaar u nahay inaan ku garab istaagno talaabadaas, hadii ay ka baaqsan waayaan xildhibaanadu hanjabaada ka soo yeeraysa oo ah iney hor istaagayaan xukuumadda cusub” ayuu yiri Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan

Kulanka Xildhinbaanadii hore iyo odayaasha dhaqanka ayaa imaanayaa kadib markii shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay u muujiyeen taageero xukuumadda cusub, isla markaana beesha caalamku sheegatay ineey soo dhaweynayso qaabka wanaagsan ee loo dhisay xukuumada ka kooban 20-ka wasiir, loona baahan yahay in la ansixiyo, si loo dar dar galiyo howlaha lagu gaarsiinayo dalka higsiga 2016.
IMG_4268

IMG_4271

IMG_4286

IMG_4291

IMG_4292

IMG_4307

IMG_4330

IMG_4354

IMG_4363

IMG_4367

IMG_4370

IMG_4383

IMG_4394

IMG_4403

IMG_4406

IMG_4413
 
Previous Post

Munaasabad xarigga looga jarayay garoon kubada kolayga ah oo lagu qabtay Gaalkacyo (Sawirro)

Next Post

Ciyaaryahan Juan Cuadrado oo Berri Imaanayo London,Si Tijaabo Caafimaad ugu Maro Kooxda Chelsea

Next Post
Ciyaaryahan Juan Cuadrado oo Berri Imaanayo London,Si Tijaabo Caafimaad ugu Maro Kooxda Chelsea

Ciyaaryahan Juan Cuadrado oo Berri Imaanayo London,Si Tijaabo Caafimaad ugu Maro Kooxda Chelsea

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In