Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaano hore & odoyaal dhaqameed oo baarlamaanka ka codsaday iney ansixiyaan Xukuumadda Cusub “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaano hore & odoyaal dhaqameed oo baarlamaanka ka codsaday iney ansixiyaan Xukuumadda Cusub “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaandii Hore ee Baarlamaanka, Odayaal dhaqameedyo, Siyaasiyiin iyo Xubno ka socday bulashada rayidka ah ayaa saaka kulan isigu yimid ay ku taageerayeen xukuumada cusub ee uu soo magacaabay Raysal Wasaare Cumar Cabdirashid, iguna dalbanayeen xildhibaanada baarlamaanka iney siiyaan codka kalsoonida.

Kulankaan oo quraac ahaa ayaa waxaa laga soo jeediyey talooyin ku aadan qaabka loo soodhisay xukuumadda cusub, waxyaalaha laga sugayo, iyo waqtiga oo gabaabsi ah daraadeed ineysan munaasab ahayn in baarlamaanku hor istaago ansixinteeda,

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

Xubno ka tirsan xildhibaanadii hore oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay iney nasiib daro tahay in maanta oo Soomaaliya caalamku u hanweyn yahay soona muuqato rajo farxad galinaysa shacabka Soomaaliyeed in Isbaaro loo dhigto danta qaranka, is hortaagna lagu sameeyo wax kasta oo wanaagsan oo la soo dhiso, iyadoo cudur daar looga dhigayo anaga nalagama tashan.

“Raysal wasaaruhu wuxuu tixigalin siiyey dalabaadkii xildhibaanada, oo u muuqday mid qaldan, kadib markii ay yiraahdeen rag ka tirsan wasiirada soo noqon mayaan, kuwaas oo xuquuq dastuuri ah u leh in dib loo soo magacaabo, raalina ka yihiin beelihii ay ka soo jeedeen. Waxaa ayaan daro ah in maanta la aqbalay dalabkoodii ay sii wadaan carqaladaynta danta qaranka, iyo is hortaaga ay ku samaynayaan aqoon yahano Soomaaliyeed oo ku haboon xilka loo magacaabay” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanadii hore.

Ugaasyada ka hadlay madasha ayaa ku dheeraday muhiimada ay leedahay in xildhibaanadu ku dhaqmaan rabitaanka shacabka iyo talooyinka odayaashii soo xulay, maanta mustaqbalkii dalka gacmahooda ku jiro, dadka Soomaaliyeedna ay eegayaan sida ay u maareeyaan mushkiladaha siyaasadeed ee hada taagan

“Waxaan ka mid ahaa odayaashii 135 ahaa ee soo xulay xubnaha baarlamaanka, waxaana nasiib daro ah ineysan dheg jalaq u siinaynin soo jeedinteena, tan shacabka iyo mida beesha caalamka. Waxaan uga baaqaynaa madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheikh Axmed inuu qaato talaabo dastuuri ah oo uu ku kala dirayo xildhibaanada baarlamaanka, anagoo ah odayaashii soo xulay waxaan diyaar u nahay inaan ku garab istaagno talaabadaas, hadii ay ka baaqsan waayaan xildhibaanadu hanjabaada ka soo yeeraysa oo ah iney hor istaagayaan xukuumadda cusub” ayuu yiri Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan

Kulanka Xildhinbaanadii hore iyo odayaasha dhaqanka ayaa imaanayaa kadib markii shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay u muujiyeen taageero xukuumadda cusub, isla markaana beesha caalamku sheegatay ineey soo dhaweynayso qaabka wanaagsan ee loo dhisay xukuumada ka kooban 20-ka wasiir, loona baahan yahay in la ansixiyo, si loo dar dar galiyo howlaha lagu gaarsiinayo dalka higsiga 2016.
IMG_4268

IMG_4271

IMG_4286

IMG_4291

IMG_4292

IMG_4307

IMG_4330

IMG_4354

IMG_4363

IMG_4367

IMG_4370

IMG_4383

IMG_4394

IMG_4403

IMG_4406

IMG_4413
 

Previous Post

Munaasabad xarigga looga jarayay garoon kubada kolayga ah oo lagu qabtay Gaalkacyo (Sawirro)

Next Post

Ciyaaryahan Juan Cuadrado oo Berri Imaanayo London,Si Tijaabo Caafimaad ugu Maro Kooxda Chelsea

Next Post
Ciyaaryahan Juan Cuadrado oo Berri Imaanayo London,Si Tijaabo Caafimaad ugu Maro Kooxda Chelsea

Ciyaaryahan Juan Cuadrado oo Berri Imaanayo London,Si Tijaabo Caafimaad ugu Maro Kooxda Chelsea

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In