Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan koonfurgalbeed iyo maamulka goblka shabellaha hoose ayaa gaaray degmada qoryooley ee gobolka shabellhaa hoose,
Ujeedka socdaalka ayaa ahaa sidii loo xalin lahaa qilaaf soo dhax galay ciidanka Madaniga degmada qoryooley iyo sidii ay ciidammda madaniga iyo maamulka degmada loo dar dargelin lahaaa wada shaqeyn tooda.
Gudoomiyaha gobolka shabellaha hoose ibraahim aadan cali najax ayaa sheegay in maamulka gobolka iyo masuuliyinta kale ay ku guulesteen xalinta khilaaf soo kala dhex galay ciidanka Madinga degmada qoryooley
Wasiirka wasarada arimaha gudaha dib uheshiisinta iyo dowladaha hoose ee KGS Maxamednuur Madoowe Nuunow ayaa tilmamay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeyo nabada iyo dib u heshiisiinta.
Xildhibaan Xassan Qoryooley iyo senatar Cabdikaafi Macalin Xasan ayaa bulshada degmada qoryooley iyo deeganda hoos yi,aada ugu baaqay in ay ilaashadaan nabada lana dagaalamaan argagixisada shabaab.
Maamulka gobolka shabellaha hoose ayaa horay ugu guulestay in uu xaliyo khilaafyo soo kala dhex galay maamulada degmooyinka iyo bulshada ku dhaqan gobolka shabelaha hoose iyadoo iminka degmooyinka gobolka shabellaha hoose ay ka socdaan mashaaric hormarineed.