Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaanno Nairobi Tababar uga furmay”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanno Nairobi Tababar uga furmay”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa Tababar ku saabsan dib u eegista hindise sharciyeedka La dagaallanka been xalaaleysashada lacagta waxa uu uga furmay magalada Nairobi ee Dalka Kenta.

Tababarka xildhibaannada ka tirsan Guddiga Maalinyadda iyo qorsheynta baarlamaanka Soomaaliya uga furmay magalada Nairobi ayaa waxa uu ku saabsan yahay dib u eegista hindise sharciyeedka La dagaallanka been xalaaleysashada lacagta iyo ka hortaga dadka maalgelinta siiya  argagixisada.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Waxana xaflada furitaanka tababarka ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee dalka kenya Mudane  Jamaal Maxamed Xasan Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda baarlamaanka iyo xubno ka socday hay’adda UNDP.

Tababarkani oo socon doona muddo todobaad ah isla markaana ay soo qaban qaabisay hay’adda UNDP ayaa ujeedka Tababarka waxaa ka warbixiyay Samaan Maxamed Sheeq Daahir oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada iyo qorsheynta Baarlamaanka Soomaaliya.

“Siminaarkan aan maanta furnay wuxuu ku saabsan yahay dib u eegista hindise sharciyeedka La dagaallanka been xalaaleysashada lacagta iyo ka hortagga dadka maalgelinta siiya  argagixisada,dadka ka qeyb galaya waa xildhibanada ka tirsan guddiga maaliyadda iyo qorsheynta baarlamanka Soomaaliya iyo howlwadeennada la shaqeeya guddigaas,wuxuu socon doonaa mudo todobaad ah oo ka bilaabanaysa 21 ka bishaan oo manta ah illaa 27 bishan” Ayuu yiri  Samaan Maxamed Sheeq Daahir.

Tababarka xildhibaannadan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya uga furmay Magalada Nairobi ayaa imaanaya xilli dhawaan Guddoonka sare ee Baarlamaanka loo gudbiyay hindise sharciyeedka La dagaallanka been xalaaleysiga lacagha oo la filayo inay meel mariyaan mudaneyaasha baarlamnka. IMG_0130

IMG_0151 IMG_0159 IMG_0160

Previous Post

Maalinta Nabadda Adduunka oo Muqdisho laga Xusay

Next Post

Dhagayso warka duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhagayso warka duhurnimo ee Radio Muqdisho

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In