Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo saaxibadeeda IGAD’akhriso’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo saaxibadeeda IGAD’akhriso’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadamada igaad waxa ay ka koobanyihiin Sideed dal oo kala ah Soomaaliya,Suudaan,Suudaanta Koonfureed,Kenya,Ethiopia, Djabuuti iyo Uganda.
Wadamadan dhamaantood waxa ay gacan muuqata siiyeen Soomaaliya xilliyadii adkaa ee ka dhashay burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii taas oo ku caawisay Soomaaliya in ay awoodo kasoo kabashada coladaas.
Haddii aan dal dal u eegno wadanka Jabuuti waxaa uu Soomaaliya u qabtay ugu yaraan sadex jeer shirar dib u heshiisiin kuwaas oo lagu soo dhisay sadex dawladood oo ay kala hugaaminayeen Madaxwaynayaashii KMG aheyd ee Cali Mahdi Maxamed,Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed,sidoo kale Jabuuti ayaa cutubyo Milatari ku biirisay hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya kuwaas oo ka hawl-gala goboladda dhexe ee Soomaaliya ,si taa la mid ah waxaa ay Jabuuti marti galisay kumaan qaxooti Soomaali ah iyo ganacsato Soomaaliyeed oo dalkaas ka shaqaysta.
Dalka Ethiopia waxaa uu isna door muhiim ah ka qaatay dhinaca dib u heshiisiinta waxaa uu marti galiyay shirar isugu jiray kuwo heer Qaran ah iyo kuwo si hoose loogu xalinaya khilaafka kooxihii Soomalida ee waqtigii colaadda,Ethiopia waxaa ay sidaas oo kale marti galisay dad badan oo Soomaali ah oo ka cararay dalka waxaana jira arday Soomaaliyeed oo wax ka barta Jaamacadaha dalkaas,ciidamo ka socda Ethiopia ayaa qeyb ka ah AMISOM kuwaas oo ku sugan koofur galbeed Soomaaliya,tobankii sano ee ugu dambaysay hogaamiyayaasha labada dal waxey dhaqaajiyeen siyaasad cusub oo ka badan tii u dhaxaysay labada dal Qarnigii 20-aad oo labo jeer ay dagaalo ka dhexqarxeen Ethiopia iyo Soomaaliya taas oo ku dhisan saaxiibtinimo cusub.
Kenya waxaa ay tahay wadanka ugu balaaran ee magangaliyay boqolaal kun oo Soomaali ah taas oo ah tan ugu weyn dunida ee Qaxooti ku jiro,waxa ay marti galisay shirkii embagaati oo ahaa saldhigii ugu waynaa ee dawladda Soomaaliya ay ku unkantay,waxaa sidoo kale jira ganacsato Soomaaliyeed oo dalkaas ku haysta ganacsi ku fadhiya Malaayiin Doolar isla markaana waa dalka ay u marto Soomalidu ganacsigeeda bariga iyo bartamaha Afrika,waxaa sidoo kale ay Jaamacadaha Kenya laleeyihiin xiriir waxbarasho oo heerkiisu fiicanyahay Jaamacadaha soomaaliya, iyadoo arday Somaaliyeedna ay dalkaas wax ku bartaan,xagga amaanka waxa ay iyana qeyb ka tahay AMISOM waxayna ka hawl-gashaa qeybo kamid ah Gedo iyo Jubooyinka,inkasta oo ay jiraan waxyaabo ay ku kala aragti duwanyihiin labada dawladood sida xuduuda badda hadana hogaamiyayaasha labada dal waxay muujiyaan dulqaad iyo isqadarin ku salaysan saaxiibtinimo.
Wadanka Uganda waxa uu ahaa dalkii ugu horeeyay ee ku deeqay nabad ilaaliyayaasha Afrika ilaa hadana waa kan ugu badan ciidamada jooga Soomaaliya,waxaa uu marti galiyaa in ka badan toban kun oo Qaxooti Soomaali ah,ganacsato iyo arday waxaana lagu amaana si gaar ah sida ay ugu fududeeyaan Soomaalida galaysa wadankaas dal ku galka, inta la xusuusanyahay Soomaaliya iyo Uganda xiriirkoodu waxa uu ahaa mid wanaagsan markasta.
Suudaan iyadu waxa ay caawinaad weyn ka siisay Soomaaliya xagga waxbarashada,tababarada ciidamada iyo taageero maaliyadeed waana saaxiib dhaw oo Soomaaliya ay leedahay.
Suudaanta Koonfureed oo ah dal ku cusub Dunida waxaa ay Soomaaliya ka mid aheyd dalalkii ugu horeeyay ee u dira dublamaasiyiintooda waxaana gacansi balaaran ku leh Soomaalida wallow ay waxyeelo kasoo gaartay colaadii dalkaas.
Wadamada IGAD marka laga reebo dalka Suudaan Koonfureed dhamaantood waxaa Muqdisho uga furan Safaaradahooda si lamid ahna Soomaaliya dhamaantood wadamadan waxaa ay ku leedahay Safaarado shaqeeya.
Qubarada xagga siyaasadda ayaa aaminsan in Soomaaliya ay inta badan dalalkan ku caawisay waqtigii ay xornimo doonka ahaayeen maadaama ay xoriyadda uga horaysay Soomaaliya marka laga reebo Ethiopia Iyo Suudaan,taas oo ah abaal taariikhi ah oo ku wayn maskaxda muwaadiniinta sida wanaagsan u fikirta ee dalalkaas ,halka Soomaalida maantana ay dareensantahay garab-qabashada bariga Afrika ee xiligaan.

W/Q Cabdiraxman Yuusuf Al-Cadaala

Related posts

Kumaandooska DANAB oo Jubbada dhexe ku dilay Horjooge u dhashay Dalka Nepal

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaadka Khawaarijta

July 13, 2026
Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo ka qeybgashay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo ka qeybgashay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee Pakistan

July 13, 2026
Previous Post

Barnaamujka kulanka todobaadka oo lagu falanqeeyay shirka IGAD oo Sabti Muqdisho ka furmaya,(Dhageyso+Sawirro) 9/01/2015

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Somali Special Forces Eliminate Seven Al-Shabaab Fighters in Midnight Operation

July 13, 2026
0

The specially trained Danab Commandos of the Somali National Armed Forces conducted a planned operation shortly after midnight in Sablaale...

Kumaandooska DANAB oo Jubbada dhexe ku dilay Horjooge u dhashay Dalka Nepal

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaadka Khawaarijta

July 13, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha...

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo ka qeybgashay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo ka qeybgashay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee Pakistan

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Khudbad ka Jeedisay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee ka socda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In