Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo 40 sano kaddib bilaabaya Horyaalada Maamul Goboleedyada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo 40 sano kaddib bilaabaya Horyaalada Maamul Goboleedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in Horyaalkii ugu horreeyey ay ku bilaabi doonaan ilaa siddeed kooxood oo laga kala dhisay Maamul goboleedka Jubbaland halkaasoo uu xiriirku ka saacidayo dhismaha kooxahaasi.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa faahfaahin ka bixiyey muddada ay u qorsheeyeen inuu socda Horyaalka Kubadda Cagta maamul-goboleedka Jubbaland , taasoo ah mid afartan sano kaddib ka billaabanayo maamul goboleedkaasi.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“Waa Horyaal u gaar ah Jubbaland, waana markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo horyaal noocaan oo kale ah laga billaabo maamul goboleedka, iyadoo uu socon doono muddo afar ilaa shan bilood ah”.ayuu yiri Guddoomiyaha

Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in Cayaarahan ay ka hirgelin doonaan maamul goboleed kasta oo dalku leeyihiin, wuxuuna rumeysan yahay iney kaalin ka qaadan doonto tayeyn cayaaraha dalka, gaar ahaan horumarinta Xulka Qaranka Soomaaliyeed.

“Cayaaraha dalka horumarintooda ayuu door ku leeyahay, mana saameyn doonto ciyaarihii kale ee dalka laga qaban jiray sida kuwii maamul goboleedyada ay caasimada isugu imaan jireen iyo horyaalkii guud ee dalka”.ayuu hadalkiisa ku daray Cabdiqani

Soomaaliya ayaa guulo waaweyn ka soo hoynin cayaaraha caalamka, waxaana qubarada Isboortiga ay marar badna ku taliyeen in la ballaariyo cayaaraha dalka taasoo wax ka tareysa tayada kooxaha iyo xulka qaranka dalkeena, waxaana la rumeyan yahay qorshahan cusub ee uu billaabay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iney tahay billow fiican oo rajo galineysa cayaartoyda iyo guud ahaan taageerayaasha Soomaaliyeed.

Previous Post

Kulan loogu magac daray Walaaleynta Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa Lagu qabtay Magaalada Johannesburg.

Next Post

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran oo Go’aan kasoo saaray Xubnihii ay ku kordhiyeen Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Next Post
Shirka madasha watashiga Qaran oo lagu wado in uu maanta ka furmo Muqdisho

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran oo Go'aan kasoo saaray Xubnihii ay ku kordhiyeen Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In