Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo xilka la wareegtay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo xilka la wareegtay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cusmaan ayaa maanta si rasmi ah xilkeeda ugala wareegtay xisaabiyihii hore ee dowladda Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) , iyadoo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda, La taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Siyaasadda Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Xil-wareejinta ayaa ka dhacdey Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Xisaabiyihii hore ee dowladda ayaa ug u hambalyeeyey Faaduma Cusmaan mas’uuliyadda adage ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu la garab-galo, dhanka kale waxa uu sharraxaad ka bixiyey wixii u qabsoomey shantii sanno ee u dambeysay ee uu ahaa Xisaabiyaha guud ee Qaranka, guulo badanna laga sameeyey Xafiiska iyo howlaha dhinaca Xisaabaadka.

Golaha Wasiiarad ayaa dhawaan Faadumo u magacaabay inay qabato xilka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cismaan Faarax, waxay sanadkii 1981 ka baxday Machadkii Technico de Bancairo oo xisaabaadka iyo arrimaha Bankiyada ay ka baratay, sanadihii 1982-1986 waxay ka qalin jebisay maamulka iyo Maareynta ee SIDAM, sidoo kale waxay sanadihii 1987-1989 ka qalin jebisay Jaamacadda Universita de Sapienza ee dalka Talyaaniga oo shahaadda labaad ee xisbaadka ay ka qaadatay. Tabaarro dhinaca xisaabaadka iyo dhaqaalaha ah ayey ku qaadatay dalka Canada intii ka danbeysay sanadkii 2000.

Sanadihii 2010-2012 waxay madaxda maalgelinta ka noqotay Bankiga ganacsiga Talyaaniga, faraciisa Woodbridge, Ontario, Canada.

 

 

 

Previous Post

Maamulka Degmada Howlwadaag oo la wareegay deeq daawo ah

Next Post

Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga fuliyay Degmada Buur-hakaba

Next Post
Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka wada degmooyinka Muqdisho qaarkood

Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga fuliyay Degmada Buur-hakaba

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In