Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xog dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukraine

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Xog dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukraine
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Germany, Belgium iyo Serbia waxa ay sameeyeen bar is-gaarsiineed oo waxtar u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo qaxay Ukraine ee ku sugan dalalka Poland, Romania iyo Serbia.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Beljimka ayaa sidoo kale xafiis adeeg qunsuliyadeed oo KMG ah ka samaysay soohdinta xiriirisa wadamada Poland iyo Ukraine ee loo yaqaan xarunta qaabilaadda Hala Kijowska (Hala Kijowska Reception Center) ee Magaalada Warsaw.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

March 7, 2026

Afartan (40) muwaadin oo Soomaali ah ayaa si nabadgelyo ah ku gaaray dalka Romania, waxa ay afar (4) kale ay gaareen dalka Germany, sidoo kale todobo (7) kale waxa ay gaari doonaan dalka Poland marka la hubiyo dukumintiyada xaqiijinaya dhalashadooda. Waxaa intaasi dheer , in Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Biljimka ay u fududeysay 24 muwaadin inay ku helaan dukumintiyada dhalashada muddo 24 saac gudahooda.

Dowladahaasi martigelinta samaynaya waxa ay soo dhowayn doonaan ardayda Soomaaliyeed ee gaaraysa dalalka Romania, Hungary iyo Serbia ee danaynaya inay sii wataan waxbarashadooda. Soomaaliya waxa ay ardayda u fidin doontaa adeegyo qunsuliyadeed , halka dalalka marti-gelinaya ay bixin doonaan taageerada kale ee la doonayo.

Si aad u diiwaangelisid takhasuskaaga inaad ka sii wadatid waxbarashadaada dalalka sare lagu xusay, waxaa lagaa doonayaa inaad ku buuxisid faahfaahintaada foomka hoose. Waxa aan ku boorinaynaa ardayda Soomaaliyeed ee ka soo qaxay Ukraine ee danaynaya in waxbarashadooda sare sii wataan ay la xiriiraan mas’uulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ugu xilsaarran arrinkaasi oo ah qofka hoos ku xusan:

Sucaad Nuur
Email: [email protected]

Previous Post

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Puntland oo shaaciyay doorashada 16 kursi

Next Post

Xubno ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab oo Beledweyne lagu toogtay

Next Post
Xubno ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab oo Beledweyne lagu toogtay

Xubno ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab oo Beledweyne lagu toogtay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga qayb galay, magaalada Arusha ee dalka Tanzania, Meertada 25-aad ee...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

March 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa galabta magaalada Muqdisho si ramsi...

Taliyaha Ciidanka XDS iyo masโ€™uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

Taliyaha Ciidanka XDS iyo masโ€™uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

March 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahin Maxamed Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab...

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐ฆ๐š๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐œ๐š ๐›๐š๐š๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐š๐ซ๐š๐ ๐ ๐š ๐ž๐ž ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐๐š ๐๐š๐ฅ๐คa

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa furey Mashruucan oo ay ka faaโ€™iideysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In