Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoghayaha Guud ee Q.M oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Yuusuf Garaad

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Xoghayaha Guud ee Q.M oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Yuusuf Garaad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

yusuf-garad-1

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa ka guddoomay waraaqda aqoonsiga Danjirennimo ee Wakiilnimada Soomaaliya ee Qarammada Midoobay iyo Faracyadeeda Yuusuf Garaad Cumar Axmed.

Related posts

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

March 5, 2026

Xoghayaha Guud iyo Safiirka oo kulan ku yeeshay Xaruunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York, ayaa ugu horreyntii uga waramay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo billaabo maamulkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya gaarsiiyay xorriyadda,isagoo xusay in Soomaaliya ay ka soo baxday ku meel gaarka, ayna sameysay horumar, ayna u baahan tahay in la joogteeyo lana xoojiyo kaalmada maaddaama ay hey’adaha dalka iyo weliba horumarkeedu ay weli curdan yihiin.

Amb: Yuusuf Garaad Waxaa kaloo uu xusay in la gaaray horumarka xagga siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca doorashooyinka oo dhowaan la dhammeystiri doono iyo ballanta Soomaaliya ay higsaneyso oo ah in uu muwaaddin kasta oo Soomaali ah uu codkiisa dhiibto doorashada 2020-ka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa isna sheegay in Qarammada Midoobay ay u heellan tahay Soomaaliya, Wuxuuna bogaadiyay horumarka laga sameeyay dalka, Wuxuuna sheegay in howlo badani ay weli harsan yihiin si loo helo xasillooni buuxda iyo Dowladnimo si dhammaystiran u hanqaadda.

Mr Ban Ki Moon Wuxuuna ku celiyay in Qarammada Midoobay ay Soomaaliya garab taagan tahay wuxuuna xusay in uu xoojiyo xiriirkeyga ka dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Wadanka Soomaaliya .

Previous Post

Kulan lagu xalinayo colaadda Gobolka Mudug oo lagu wado in uu ka dhaco Gaalkacyo

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

Agaasimaha Hay’adda NISA oo kulan sagootin u sameeyay Sarreeye Guuto Aadan Maxamed

March 5, 2026
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qeyb galay kulan afur ah oo lagu...

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

Danjire Ilyaas oo ka qeybgalay shirka EAC

March 5, 2026
0

Danjire Ilyaas Cali Xasan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa magaalada Gaalkacyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

March 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In