Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Raโiisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Axmed-Nuur Maxamed Cabdi ayaa ka hadlay barnaamijka deyn cafiska iyo waxyaabaha fududeyn kara.
Dr Axmed-nuur oo ka hadlayay dood ku saabsanayd Tubta horumarinta dhaqaalaha oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya tahay Waddan dumay oo dib usoo kabanaya loona baahan yahay in uu la jaan-qaado hayโadaha caalamka, si taa loo gaarana loo baahan yahay in si hufan loo qaado canshuuraha in lala dagaallamo musuqa iyo in la adkeeyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Sidoo kale wuxuu sheegay Xog-hayuhu in ay Dowladdu waddo soo nooleynta himmilooyinka Ummadda Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay in dib loo daabaco Lacagtii Soomaaliyeed iyo in laysu furo Bankiyadeenna si uu daqligu taabba gal u noqdo Dowlad nimadeennuna u hagaagto.