Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xilka la wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Wasiiru-dowlaha Waasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Prof Yaxye Cali Ibraahim.

Xafladda waxaa sidoo kale ka qeyb galay qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee Wasaaradda iyo howlwadeenno, iyadoo Prof Yaxye uu si rasmi ah ula wareegay Xilka xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Xoghayihii hore ee Wasaaradda Dr Xuseen ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaradda, intii uu xilka hayay sida ay ula soo shaqeeyeen, isagoo ka codsaday in si la mid ah ay ula shaqeyaan xoghayaha joogtada ee cusub.

Prof Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xilka loo magacaabay, isla markaana uu diyaar u yahay in uu u guto si xilkasnimo ay ku dheehantay, isagoo codsaday in gacan lagu siiyo howlaha loo idmaday.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa kula dardaarmay Prof Yaxye in uu si hufan u guto xilka loo magacaabay, waxaana uu ku booriyay mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda inay la shaqeeyaan mudanaha cusub.

IMG_5057 IMG_5058 IMG_5059 IMG_5060 IMG_5061 IMG_5062  IMG_5064 IMG_5068    IMG_5072  IMG_5075  IMG_5077 IMG_5078 IMG_5079 IMG_5080  IMG_5082 IMG_5083 IMG_5084 IMG_5085

 

Previous Post

Madaxweynaha: “Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo soo jireen ah’’ SAWIRRO

Next Post

Sharciga nidaaminta shidaalka oo laga hadlay

Next Post

Sharciga nidaaminta shidaalka oo laga hadlay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In