Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xilka la wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), Wasiiru-dowlaha Waasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Prof Yaxye Cali Ibraahim.

Xafladda waxaa sidoo kale ka qeyb galay qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee Wasaaradda iyo howlwadeenno, iyadoo Prof Yaxye uu si rasmi ah ula wareegay Xilka xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Xoghayihii hore ee Wasaaradda Dr Xuseen ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaradda, intii uu xilka hayay sida ay ula soo shaqeeyeen, isagoo ka codsaday in si la mid ah ay ula shaqeyaan xoghayaha joogtada ee cusub.

Prof Yaxye Cali Ibraahim Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xilka loo magacaabay, isla markaana uu diyaar u yahay in uu u guto si xilkasnimo ay ku dheehantay, isagoo codsaday in gacan lagu siiyo howlaha loo idmaday.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa kula dardaarmay Prof Yaxye in uu si hufan u guto xilka loo magacaabay, waxaana uu ku booriyay mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda inay la shaqeeyaan mudanaha cusub.

IMG_5057 IMG_5058 IMG_5059 IMG_5060 IMG_5061 IMG_5062  IMG_5064 IMG_5068    IMG_5072  IMG_5075  IMG_5077 IMG_5078 IMG_5079 IMG_5080  IMG_5082 IMG_5083 IMG_5084 IMG_5085

Previous Post

Madaxweynaha: “Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo soo jireen ah’’ SAWIRRO

Next Post

Sharciga nidaaminta shidaalka oo laga hadlay

Next Post

Sharciga nidaaminta shidaalka oo laga hadlay

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In