Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
8 months ago
in Wararka
0
Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen), Howlgalkan ayaana ka dhacay meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo 17km waqooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Dhagarqabaha la dilay oo kooxda ku jiray muddo ka badan 15 sano, ayaa ahaa mid si weyn loo raadinayay Intii uu ka tirsanaa Khawaarijta waxaana uu ahaa maskaxdii ka dambeysay falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Dhagarqabaha la khaarajiyay Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) wuxuu horay soo noqday:
* Madaxa howlgelinta dagaalka ee Gobollada Baay, Bakool iyo Gedo,
* Madaxa baadda xoolaha ee gobolka Bakool,
* Madaxa sirdoonka kooxda ee gobollada Labada Shabeelle iyo Hiiraan,
Sidoo kale waxaa uu soo noqday ku-xigeenkii Fuโ€™aad Maxamed Shongole ee marin-habaabinta iyo faafinta afkaaraha xagjirka ah.

Dhagarqabe Xuseen ayaa ka danbeeyay dagaallo ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah dalka, isagoo qorsheeyay dhagarta iyo miinooyinka lagu dhibaateeyay shacabka, Dilkiisu ayaana caddeyn u ah sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu goโ€™an tahay ciribtirka kooxda Khawaarijta, ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadineysaa howgallada CXD, waxayna xaqiijineysaa in howlgallada noocan oo kale ah ay si joogto ah u socon doonaan, si loo bartilmaameedsado horjoogeyaasha kooxda meelkasta oo ay joogaan, iyadoo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo amniga qaranka.

DHAMMAAD

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Next Post

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ ๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐ž๐ฒ ๐‡๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐že ๐–๐…๐

Next Post
๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ ๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐ž๐ฒ ๐‡๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐že ๐–๐…๐

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ ๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐ž๐ฒ ๐‡๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐že ๐–๐…๐

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In