Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xoogga Dalka waa Laf dhabarka qaranimada Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Xoogga Dalka waa Laf dhabarka qaranimada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Dhawaan waxaa dalka looga dabaaldagi doonaa xuska sanadguurada 58aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ah tiir dhexaadka qarnimada dalka

Aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka:-

Waxaa la aas-aasay 12kii-April 1960kii oo waqtigan laga joogo muddo 58-sanadood waxa uuna  ka kooban yahay afar talis oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka cirka, ciidanka badda difaaca xeebaha iyo  ciidanka difaaca cirka.

Ugu horayntii markii la yagleelayay ciidanka Xoogga dalka waxaa lagu aasaasay sideed horimood.Sideedaasi horimood ,waxaana taliyihii ugu horeeyay noqday Gen Daauud CabdulleXirsi , sidoo kale waxaa abaanduulaha Xoogga Dalka loo magcaabay Gen Maxamed Siyaad Barre.

Ciidanka xoogga dalka wuxuu soo maray marxalado kala duwan Sanadkii 1960-kii ilaa 1969kii  waqtigaas oo ay dalka maamulayeen dowladihii rayidka ahaa wuxuu ciidanku ku jiray marxalad dhismo iyo koboc , hadana ayadoo taasi ay jirto ayay guulo taariikhi ka gaareen dagaalkii ay Xoogga dalka soomaaliyeed la galeen ciidamadii Ethopia Sanadkii 1964-kii.

1969kii-ilaa iyo Sanadkii 1990kii oo ahayd Marxaladii labaad ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed dalkana ay ka jirtay dowladii milatariga ahayd ee uu hoggaanka u ahaa        S/Gaas Maxamed Siyaad Barre, xilligan ayuu Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed si buuxda u hanaqaaday,Waxaa la balaariyay Dhismihii Ciidanka iyo hoggaamadiisii kala duwanaa sida Ciidanak Dhulka,cirka,Difaaca cirka iyo Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha sidoo kale waxaa laballaariyay Qeybihii iyoTalisyadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Dalka kuwaasoo xarumo ku lahaa magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb Garoowe ,Hargeysa, Burco iyo talisyadii Kismaayo iyo Baydhabo.

Xilligii dowladdii kacaanka ciidamada Xoogga dalka waxay ka gaareen xagga dhismaha iyo farsamada heer aad u sareeya iyagoo ka soo qayb qaatay howlgallo nabad ilaalin ah oo ay ka soo  fuliyeen dalal ka tirsan qaarada afrika oo ay ka mid tahay Ugandha, taasi oo horseeday in loogu yeero Libaaxyada Africa.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar labaad dagaal la galeen ciidamadii Ethiopia Sanadkii 1977kii, kaasi oo reebay raad taariikhi ah oo lama filan ku noqday dalal badan oo caalamka ka mid ah gaar ahaan quwadihii ugu waa weynaa dunida sida Gashaanbuurtii Nato iyo Waarso oo ay kala hoggaaminayeen dalalka Mareykanka iyo dalkii horay loo oran jiray Midowga Soofiyeeti.

Waxaa ciidamadii ugu horeeyay ee Soomaaliya yeelato laga kala keenay labadii qeybood ee dalka ee ka xoroobay gumeystayaashi Ingriiska iyo Talyaaniga.

Xooga Dalka Soomaaliya wixii waqtigaa ka dambeeyay waa la balaariyey waana la casriyeey isagoo si xad dhaaf ah u kobcaayay.

1976 waqtigaas oo ahayd hal sano ka hor dagaalkii 77 waxaa lagu tilmaami karaa xilligii uu ugu  itaalka waynaa C.X.D wuxuuna ka koobnaa

23 Guuto oo ciidanka lugta ah

2 Guuto oo Komaandooska ah

9 Guuto ooTaangi ah

9 Guuto oo madaafiicda Goobta ah

4 Guuto oo ciidanka Difaaca ah

Ciidanka Cirka dayaaradaha Soomaaliya waxay ahaayeen 52 dayaaradood, 24 ka mid ah waxay ahaayeen Miiga 21

Qaybaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya sida qeybta 60-aad ee magaalada Baydhabo, qeybta 21-aad ee magaalada Dhusamareeb, iyo qeybta 26-aad ee magaalada Hargeeysa.

Saldhigyada waxay kala ahaayeen 43-aad ee magaalada Kismayo, iyo  54-aad ee magaalada Garowe.

Ciidanka Bada saldhiyadooda waxay ku yaaleen magaalooyinka Muqdisho , Kismayo iyo Berbera.

1991dii oo ahayd markii ay dhacday dowladdii dalka ka jirtay waxaa burburay tiirarkii muhiimka u ahaa qaranimada sida kii ciidamadii Xoogga dalka waxayna taasi horseeday qaran jabkii nagu dhacay,dowlad la,aantii dalku galay waxay keentay in xubnihii ciidanka ay kala daataan kuna milmaan shacbiga.

Nasiib wanaag waxaa sanadahan danbe dib u bilawday qorshayaal dib loogu yagleelayo Ciidamadii qaranka ee wehelka u noqon lahaa dalkaan iyo dadkiisa mudada dheer Baylahda ahaa.

Dadaalka ugu xooggan waxaa wada madaxwaynaha J.F.S md. max’ed C/llaahi farmaajo oo shacbigiisu waxyaabaha ay kalsoonida ku siiyeen ay ka mid tahay niyad wanaagga uu u hayo dib u soo noolaynta iyo tayaynta Ciidamadii Xoogga dalka kuwaasi oo ah Tiir dhexaadkii qaranimada ee soo celin lahaa Sharaftii iyo magacii aan dunida ku lahayn.

Munaasabadda 12-ka April ee sanadkan 2018ka oo ah sanadguuradii 58aad ee ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, waxay ku soo beegantay xilli Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku tallaabsaday horumarro dhinacyo badan leh, islamarkaana ay socdaan qorshayaal kor loogu qaadayo Tayada iyo hoggaan wanaagga Ciidanka xoogga dalka

Dadaalada jira waxaa hormuud ka ah Madaxwaynaha J.F.S md. Max’ed C/llaahi Farmaajo oo  Xafiiskiisa labaad ee shaqo maalmeedkiisa ka samaystay Xarunta wasaaradda gaashaandhigga, si  uu uga mira dhaliyo ballan qaadkiisii ahaa dhismo ciidan qaran oo gudan kara waajibkiisa isla markaana hela xuquuqiisa.

W/D:- Gobdoon

Previous Post

Maxkamada sare ee CQ oo ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay Maxkamada darajada 1-aad ugu xukuntay Ex-G/Sare C/naasir Xoosh Maxamed

Next Post

Somali Government investigates 9.6 U.S dollar

Next Post
Somali Government investigates 9.6 U.S dollar

Somali Government investigates 9.6 U.S dollar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In