Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow oo ay wehliyaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Mudane Maxamed Cali Xagaa Xagaa, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Sulub Axmad Firin iyo saraakiil kale ayaa galabta kulan wadajir ah ka yeeshay amniga, la dagaallanka Maandooriyaha iyo toosinta Anshaxa Dhallinyarada ku dhaqan Caasimadda.
Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Hogaanka Anshaxa iyo La-dagaalanka Maandooriyaha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa ah mid daba socdo kulamo maalmihii lasoo dhaafay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’addaha amniga ee kaga tashanayeen sidii loo dar-dargelin lahaa Amniga Caasimada isla markaana isbadal dhinaca Amniga loo qaadi lahaa.