Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xubno ka tirsan Al-qaacida oo lagu diley weerar ka dhacay Yemen

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Xubno ka tirsan Al-qaacida oo lagu diley weerar ka dhacay Yemen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duyuurad nooca aan duuliyaha laheyd oo la rumeysan yahay in Mareykanka uu leeyahay ayaa bartamaha dalka Yemen waxaa ay ku dishay todobo kamid ah ururka Al-qaacida ee dalkaas ka howlgala, sida laga soo xigtay saraakiil amni.

Weerarka lagu dilay ragga ka tirsanaa Al-qaacidada jaziiradda Carabta ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Al waadi ee gobolka Ma’rib oo ku yaala bariga magaalada caasimadda dalka Yemen ee Sanca.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Waxaa dhif iyo naadir ah in  Mareykanka uu sheegato mas’uuliyadda weeraro daraasiin ah oo ay fuliyaan duyuuradaha aan duuliyaha laheyd ee Drones oo laga fuliyo dalka Yemen kuwaas oo lala beegsado Al-qaacida.

Daacish iyo Al-qaacida ayaa ka faa’ideystay marnaanshaha xagga awooda ee dalkaas markii ay isku dhaceen dowladda Yemen iyo falaagada ay taageerto dowladda Iran, waxayna taasi keentay in awooda Al-qaacida ay ku balaarato qeybo badan oo dalkaas ka mid ah.

Dowaldda Mareykanka ayaa wacad ku martay in ay sii wadi doono howlgalada ka dhanka ah Al-qaacida ee dalka Yemen ee loo soo gaabiyo AQAP.

Sidoo kale, isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo oo taageera dowladda Yemen ayaa waxaa ay weerarada dhanka cirka ah  u weeciyeen goobaha ay ku sugan yihiin ururka AQAP.

Isbaheysiga ayaa weeraro dhowr ah oo ay ku qaadeen  ururka AQAP waxaa ay suurtagelisay in  lagala wareego magaalooyin urukaas uu gacanta ku hayay.

In ka badan 6,600 oo ruux oo shacab ah ayaa lagu diley weerarada ay fuliyeen isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo ee ka dhacayay dalka Yemen, tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2015, sida qaradamada midoobay aamisan tahay.

Previous Post

Daawo Sawirada : Qarxax Gaari lagu Xiray oo ka dhacay Nawaxiga Saldhiga Degmada waaberi

Next Post

Turkiga wuxuu soo celinayaa cilaaqaadkii uu la lahaa Masar iyo Suuriya

Next Post
Turkiga wuxuu soo celinayaa cilaaqaadkii uu la lahaa Masar iyo Suuriya

Turkiga wuxuu soo celinayaa cilaaqaadkii uu la lahaa Masar iyo Suuriya

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In