Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xubno ka tirsan golaha wasiirada oo booqday dad Yemen ka soo qaxay {SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xubno ka tirsan golaha wasiirada oo booqday dad Yemen ka soo qaxay {SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Jaaliyada Yemen oo ku taala degmada Shibis ee gobolka Banaadir isla markaana hadda Kam u ah dad isugu jira Yemen iyo Soomaali ka soo qaxay dalkaasi Yemen ayaa waxaa maanta maalintii labaad booqday xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya kuwaasi oo u kuur galaya nolosha dadkaasi ku noolyihiin isla markaana gacan weyn ka geysanaya caawintooda.

Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Nuur iyo wasiir ku xigeen caafimaadka mudane Cusmaan Maxamed Cabdi daalo ayaa waxaa ay maanta booqdeen dadkaa danyarta ah iyadoo ay gaarsiiyeeen qidmad lacageed oo loogu talo galay in dadka soo qaxay mus qulo loogu dhiso iyagoo cabashooyin dhanka caafimaadka u badan ka dhageestay dadka kaamka ku jira.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026

Mudane Cabdulaahi Maxamed Nuur wasiiru dowlaha wasaarada maaliyada ayaa waxaa uu ka hadlay kormeerka ka dib duruufaha ay ku soo arkeeen kamka ay tageen isagoo bulshada ugu baaqay in loo gurmado dadkaasi.

“Run ahaantii waxaana ka muuqata halkaan daruuf adag yacnii markaad fiiriso dadka ku nool tiradooda iyo meesha ay ku noolyihiin waxaa ka muuqanaysa daruuf aad u adag,ma ahan meel bini aadan runtii uu mudo badan ku noolaa karo siba sibey dhaantaahe dadkaani waxay ka soo carareen meel xabad iyo ma garaneysaa dagaalo ka socdaan lkn hadana waxaa waaye daruufta hadda ay ku jiraan ma ahan daruuf runtii lagu daawan karo ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaanaa in ay runtii gacan isi siiyaan garab isi siiyaan ay ma garaneysaa isi saacidaan waxan rajeynaa ummadda Soomaaliyeed inay dadkaan masaakiinta ah oo daruuftu keentay dalkii ay joogi jireen way ku ladnaayeen laakiin hadda halka ay yimaadeen xabad kuma socoto waa ka nabad galyo fiicantahay hadana waxaa waaye daruuf oo runtii waxay ku noolyihiin aad u adag , aadbey cid walba u taaban kartaa cid walbana way dareemi kartaa 100 qofood in ay hal musqul wada isticmaalaan waa wax runtii aad u adag oo iyada qudheeda nadaafadeeedu aad u liidato”ayuu yiri wasiiru dowluhu.

Dagaalada ka dhacaya dalka Yemen ayaa waxaa ay sababeen in boqolaal kun oo Soomaali dalkaasi horay qaxooti ugu ahayd iyo Yemeniyiin isugu jira ay iskaga baxsadaan kuwaasi oo tira badan oo ka mid ah ay dalka Soomaaliya u soo cararayaan dadkaasina waa kuwo gacan uga baahan bulshada Soomaaliyeed .

1 2 3 4 5

 

SAWIR QAADE AXMED CALI KAAHIYE 

Previous Post

Shir looga hadlayo hormarinta waxbarashada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay {SAWIRRO}

Next Post

Mas’uuliyiinta hay’ada ICRC ayaa kormeeray xabsiyada magaalada Gaalkacyo

Next Post
Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Mas'uuliyiinta hay'ada ICRC ayaa kormeeray xabsiyada magaalada Gaalkacyo

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In