20 xubnood oo ka tirsan kooxda TPLF kuwaas oo dhawaanta ciidanka itoobiya ay ka soo qabteen gobalka Tigray ayaa maanta la keenay maxkamad.
Xubnahan ayaa waxaa ka mid ah Sebhat Nega oo ah 86 jir ka mid ah dadkii dhisay TPLF iyo Abay Woldu oo ah madaxweynahii hore ee ismaamulka Tigreega.
Dacwad oogaha ciidan booliska itoobiya ayaa sheegay in xubnahan loo heysto danbiyo ay ka mid yihiin weerar lagu qaaday ciidanka federaalka iyo gobood falyo kale oo daran.
Booliska waxay maxkamada ka dalbadeen 14 cisho oo ay baaritaanka ku dhameystireen taas oo ay maxkamadu aqbashay