Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuuboow oo uu wehliyo unsulka guud ee Magaalada , Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa kormeeray Guryaha la dejiyay Xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Maka Al-mukarrama.
Kormeerka mas’uuliyiinta ka socota Wasaaradda iyo Qunsuliyadda ayaa ku aaddanaa in ay hubiyaan xaaladaha guud ee Xujeyda Soomaaliyeed, sida ka warqabka nadaafaddooda, Cuntada, Caafimaadka Gaadiidka geeya Xaramka, Gargaarka deg-degga ah IWM.
Dr; Cabbaas C/llaahi Cali , oo ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Maka ayaa sheegay in qaabkii loo qaabbilay iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya u abaabushay ay tahay mid aad u heer sarreysa, wuxuna sheegay in si weyn loogu fududeeyay tasiilaadkii ay u baahnaayeen.
Sidoo kale Xujeydii ku sugnayd Guryaha laga dejiyay Magaalada Maka ayaa waxay si wada jir ah ammaan iyo bogaadin ugu soo jeediyeen Dowladda Federaalka iyo Shirkadihii isku howlay in loo qabto dhammaan adeegyadii kala duwanaa ee ay u baahnaayeen, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in inta ka harsan acmaasha Xajkuna loo fidin doono kaalmo intaa ka badan.