Saturday, December 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukun lagu riday maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Xukun lagu riday maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil), ayaa lagu soo eedeeyay Kamid ahaanshiyaha maleeshiyaadka Khawaarijta gaar ahaan Kuwa duur galka ah.

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, ayaa Maleeshiyada kaga biiray Bakool sandii 2020 isaga oo tababar socday Sadax bilood ku soo qaatay baadiyaha deegaanka Buulla-falaay Degmada Diinsoor, iyadoo labaray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Related posts

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025

Tababarkiisii ka dib isaga iyo Boqol iyo Konton kale ayaa loo soo wareejiyay gobalka Hiiran, Cabdi Yare ayaa qayb ka ahaa dagaal ciidanka Xooga dalka ay kula galeen Abooreey isaga iyo Toban kalana ay ku dhaawacmeen.

Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) ayaa maleeshiyada kaga biiray gobalka Bay, Tababar socday sedax bilood ayuu ku soo qaatay baadiyaha Buulla-Falaay ee degmada Diinsoor waxana la soo baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii kedib isaga iyo 150 Argagixiso ah waxaa loo soo wareejiyay gobalka Hiiran, Cumar Cusmaan ayaa qayb ka ahaa Dagaallo Ciidanka deegaanka ay kula galeen Afcad iyo Qorfo oo Hiiraan ah halkaasina uu ku dhaawacmay.

Cali Cabdullahi Cali (Cawil),ayaa maleeshiyada kaga biiray Bakool sandii 2020, waxa uu tababar socday sedax bilood ku soo qaatay Duleedka Bu’aalle halkaas oo lagu baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii ka dib isaga iyo Boqol Toban iyo Shan Khawaarij ah ayaa loo daabulay Hiiraan, waxa uu qeyb ka ahaa Dagaallo lala galay Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo ka dhacay Ceel Axmed, Budbud iyo Ceel Hareeri halkaas ayuuna ku dhaawacmay.

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) ayaa laga soo qabtay iyagoo saaran gaari Layla calaawi ah deeganka CadCadey ee Shabeellada Dhexe,waxa ayana mushaar ahaan u qaadan jireen 60$ bishii.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay, Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) Min 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xassan Cali Nur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Kismaanyo 

Next Post

Guddoomiyaha Degmada Hodan oo dhagax dhigay waddo muhiim u ah isku socodka dad weynaha

Next Post
Guddoomiyaha Degmada Hodan oo dhagax dhigay waddo muhiim u ah isku socodka dad weynaha

Guddoomiyaha Degmada Hodan oo dhagax dhigay waddo muhiim u ah isku socodka dad weynaha

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta codkeeda ka dhiibatay Seejada Xarunta...

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025
0

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In