Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukun lagu riday maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Xukun lagu riday maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil), ayaa lagu soo eedeeyay Kamid ahaanshiyaha maleeshiyaadka Khawaarijta gaar ahaan Kuwa duur galka ah.

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, ayaa Maleeshiyada kaga biiray Bakool sandii 2020 isaga oo tababar socday Sadax bilood ku soo qaatay baadiyaha deegaanka Buulla-falaay Degmada Diinsoor, iyadoo labaray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026

Tababarkiisii ka dib isaga iyo Boqol iyo Konton kale ayaa loo soo wareejiyay gobalka Hiiran, Cabdi Yare ayaa qayb ka ahaa dagaal ciidanka Xooga dalka ay kula galeen Abooreey isaga iyo Toban kalana ay ku dhaawacmeen.

Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) ayaa maleeshiyada kaga biiray gobalka Bay, Tababar socday sedax bilood ayuu ku soo qaatay baadiyaha Buulla-Falaay ee degmada Diinsoor waxana la soo baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii kedib isaga iyo 150 Argagixiso ah waxaa loo soo wareejiyay gobalka Hiiran, Cumar Cusmaan ayaa qayb ka ahaa Dagaallo Ciidanka deegaanka ay kula galeen Afcad iyo Qorfo oo Hiiraan ah halkaasina uu ku dhaawacmay.

Cali Cabdullahi Cali (Cawil),ayaa maleeshiyada kaga biiray Bakool sandii 2020, waxa uu tababar socday sedax bilood ku soo qaatay Duleedka Bu’aalle halkaas oo lagu baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii ka dib isaga iyo Boqol Toban iyo Shan Khawaarij ah ayaa loo daabulay Hiiraan, waxa uu qeyb ka ahaa Dagaallo lala galay Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo ka dhacay Ceel Axmed, Budbud iyo Ceel Hareeri halkaas ayuuna ku dhaawacmay.

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) ayaa laga soo qabtay iyagoo saaran gaari Layla calaawi ah deeganka CadCadey ee Shabeellada Dhexe,waxa ayana mushaar ahaan u qaadan jireen 60$ bishii.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay, Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) Min 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xassan Cali Nur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Kismaanyo 

Next Post

Guddoomiyaha Degmada Hodan oo dhagax dhigay waddo muhiim u ah isku socodka dad weynaha

Next Post
Guddoomiyaha Degmada Hodan oo dhagax dhigay waddo muhiim u ah isku socodka dad weynaha

Guddoomiyaha Degmada Hodan oo dhagax dhigay waddo muhiim u ah isku socodka dad weynaha

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In