Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumada iyo Maamulka Jubba oo isku afgartay in dib u eegis lagu sameeyo qaabka dhismaha ee Baarlamaanka Jubbaland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xukuumada iyo Maamulka Jubba oo isku afgartay in dib u eegis lagu sameeyo qaabka dhismaha ee Baarlamaanka Jubbaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Muqdisho, August 30.2015——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo wafdi uu hogaaminayay ayna ka ka mid ahaayeen xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo xildhibaano ayaa maanta gelinkii hore gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, waxaana ujeedada safarkani uu ahaa sidii loo tixgelin lahaa cabashada ka dhalatay dhismaha Baarlamaanka Jubba iyo habka awood qeybsiga ee beelaha degaanadaasi ku dhaqan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa markii ay gaareen magaalada Kismaayo, waxaa garoonka ku soo dhoweeyey madaxweynaha maamulka Jubba Axmad Maxamed Islaam Madoobe iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Wadahadalo saacado qaatay kadib, ayaa laga soo saaray qodobada hoos ku xusan.

  1. Maamulka Jubba waxa uu ogolaaday in dib u eegis lagu sameeyo habka dhismaha Baabrlamaanka Jubba, laguna kordhiyo inta loo arko inay ka maqantahay
  2. In guddigii ay DF dhistay ee uu madaxda u ahaa Wasiirka A. Gudaha ay Kismaayo tagaan, dib u eegisna sameeyaan, lana fariistaan dhinacyada arrintu khuseyso

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa soo dhoweeyey qodobada is afgaradkaan, wuxuuna ku tilmaamay bog cusub oo u furmay beelaha ku dhaqan goboladan, maadaama ay hogaanka maamulka Jubba tanaasul muujiyeen ayna ogolaadeen in ay xaliyaan cabashada shacabka, isaga oo xusay in arrinkani uu horseedi doono qancinta iyo soo xero-gelinta dhinacyada diidan habkii loo maray dhismaha maamulka Jubba.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Xukuumada Federaalka ay taageero dhankastaba leh ka geysaneyso dhaqangelinta is afgaradkan, iyo meel marintiisaba, si loo helo maamulo sal adag oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka, ugu dambeyntiina loogu gogol xaaro taabagelinta geeddi socodka 2016.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisii ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib heshiiskan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan dhaqangelinta qodobada ku xusan heshiiskan.

—DHAMAAD—-

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5)

Previous Post

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo dhagax dhigay xarumo la dhisayo “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In