Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumada oo ku howlan dajinta sharci u gaar ah qaxootiga Yemen ka imaanaya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo ka doodaya qorshaha Xukuumadda ee 100-ka Maalmood “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir ay golaha fulinta dowladda  Federaalka Soomaaliya ku yeesheen xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo uu shir guddoominayey Mudane Maxamed Cumar Carte, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda, ayaa si gaar ah  looga hadlay arrimaha Qaxootiga iyadoo laga dooday sharci siyaasadeed loo dejinayo Qaxootiga iyo xaquuqdooda.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cali Samatar, ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay Xukuumadda ku howlan  tahay sharci u gaar ah qaxootiga dalka u dhashay iyo kuwa wadamada kale u dhashay ee Soomaaliya ku sugan, waxa ay intaa ku dartay in ganacsate Soomaaliyeed uu ku Yaboobay Markab soo daabiula dadka Soomaaliyeed ee weli ku xaniban dalka Yemen, waxa ay ku baaqdey wasiirka Haweenka in laga wada shaqeyb-galo gurmadka dadkeenna.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

“Dowladda Soomaaliyeed waxey go’an ku gaartay in aan soo saarno sharciga qaxootiga ah si xaquuqdooda loo ilaaliyo, marka qaxootiga mid waa dadka Yemen ah oo waxa ay hoos imaanayaan sharciga caalamiga ah International Conflation Refugee, dadka kale waa dad  Soomaaliyeed oo ku soo laabanaya dalkooda, Insha Allah waxaan rabaa inaan dadka Somaaliyeed la wadaaggo in dowladda kaliyah aan lagu eegin ee laga wada qeyb-qaato ,waxaan u mahadcelinayaa shaqsi Soomaaliyeed oo ku deeqay Markab dadka qaxootiga soo daad gureen doona” ayeey tiri wasiirka Haweenka.

Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, ayaa abaalmarineysa Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo ku yaboobay  hal Markab oo  dalka Yemen ka keenna dadka gurmadka u baahan, sida ay ku dhawaaqeen golaha wasiirrada Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli  Afhayeenka Xukuumadda ayaa yiri.

Dhinaca kale Golaha wasiirrada Soomaaliya, ayaa ka hadlay sharciga ka hortagga lacagaha been abuurka ah ee ka yimaada dibedaha, kuwaas oo caalamka ka ah dambiyo waa weyn, kaas oo ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, sida uu sharraxayo Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.

“Sharcigan weli dooddiisa ayaa socoto waxa uu soo gabagaboobi doonaa todobaadyada soo socda, sharciga waa mid looga hortagayo lacagaha sida qaldan ama been abuurka ah ku soo gala dalka,  Soomaaliya waxa ay qaadaneysaa go’aanka uu caalamka ka istaagay arrintaan, waxaana ka qeyb-geli doona Garyaqaanka guud ee dowladda iyo hey’adaha kale ee dowladda, waxaana loo gudbin doonaa marka uu golaha wasiirrada marayo golaha Barlamaanka”.

Ugu dambeyntii shirka golaha fulinta dowladda,  waxaa warbixin ka hadleysa Difaaca Qaranka keentay wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo Xukuumadda ay dhiiragalisay dardargelinta howlada ka dhanka ah argagixisada, iyadoo wasaaradda Difaaca ay ku howlan  tahay dhameystirka qorshaha deegaannada ay ku hareen looga sifeenayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga, waxey ka warbixisay dadaalka iyo howlgalada ay kula dagaallameysa kooxaha nabad-diidka ah, ciidanka Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin in ay dalka ka Difaacaan cadowga, wasiirka Gaashaandhigga, waxa uu ka mid ahaa dadkii booqdey ciidammada meelo kala duwan ee ay ku sugan yihiin, u jeedkuna waa in la dhiirageliyo ciidamada howsha ay hayaan”.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay soo saartay sharuuc badan oo aad muhiim ugu ah xasiloonida Siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo sharuucdaas lagu soo gabagabeyn doono inta aan la  gaarin 2016-ka.

Previous Post

Kulan looga hadlayay kalinta haweenka ee Warbahinta oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Taliska xoogga oo soo bandhigay rag lala xiriiriyay UGUS {SAWIRRO}

Next Post
Taliska xoogga oo soo bandhigay rag lala xiriiriyay UGUS {SAWIRRO}

Taliska xoogga oo soo bandhigay rag lala xiriiriyay UGUS {SAWIRRO}

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In