Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo codka kalsoonida ah ka heshay Baarlamaanka Soomaaliya “MUUQAAL”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
DAAWO-Barlamaanka oo soo geba gebeeyay akhrinta labaad  Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankii Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta waxaa uu ajendahiisu ahaa horkeenidda golaha wasiirrada Xukuumadda ee uu soo dhammeystiray Ra’iisul wasaaraha iyo Barmaamijka Xukuumadda oo kooban oo uu soo gudbiyey Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali, waxa uu ahaa kulankii 36-aad ee dhammaadka Kalfadhiya Shannaad ee Barlamaanka iyo uu guddoominayey kulanka Mudane Maxamed Sheekh “Jawaari” Afhayeenka golaha shacabka federaalka Soomaaliya, iyadoo Kooranmka uu ku furmay 220 Mudane.

Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo ku hadlayey magaca guud ee golaha ayaa tacsi u diray Allaha U naxariistee Barlamaanka iyo ehellada uu ka geeriyoodey mudane ka tirsanaa Barlamaanka Soomaaliya oo kooxo hubeysay ay Muqdisho ku dileen, sidoo kale guddoonka ayaa u mahadceliyey odayaal dhaqmeedyadii kala dhexgalay beelihii ku dagaallamay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026

Intaas Kaddib guddoonka ayaa Ra’iisul wasaaraha madasha fadhiya ku soo dhoweeyey, una ogollaadey in uu Barlamaanka la hadlo, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa mudaneyaasha golaha shacaka ka codsaday in Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda ay ansixiyaan, maadaama dalka uu ku jiro xaalad adag, si arrintaasina looga samatabixiyo dalka uu u baahan yahay Xukuumadda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa in barnaamijka Xukuumadda u golaha ka hor akhriyo u xushay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga iyo Caalamiga ah, Mudane C/raxmaan Ceynte oo si kooban u guud maray barnaamijka Xukuumadda ay ku howl-gali doonto, isagoo ammaanka iyo tayeenta ciidammada Qaranka, dejinta Siyaasadda Xasiloon, dardargelinta barnaamijka Hiigsiga 2016-ka dhisidda guddiyada madaxa bannaan ee hiisga muhiimka ah u dalka, amba qaadidda ka howlgalidda dhismaha maxkamadda Destuurigta, dib u eegista Destuurka KMG ah, iyadoo ku soo gabagabeeyey in Barnaamijka uu kooban yahay furitaanka kalfadhiga Lixaad ee Barlamaankana isagoo faah-faahsan la keeni doono.

Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya qaarkood ayaa aragtiyo ka dhiibtay Codka Kalsooni siinta Xukuumadda, inkastoo markii dambe la isku raacay in cod loo qaado Xukuumadda iyo barnaamijeeda, guddoonka Barlamaanka ayaa sheegay in si saf sah ah loo codeynayo,, tirada guud ee Xildhibaannada codeynta ka qeyb-galay ahaa 213, mudane, Mudane Maxamed Sheekh “jawari” ayaana shaaciyey natiijada golaha Barlamaanka, iyadoo 191, mudane ay Xukuumadda ogollaadeen, 22, diiday cid ka aamustayna eysan jirin sidaasna ay asxan ku tahay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey dhammaan mudaneyaasha Barlamaanka ee Xukuumadda iyo barnaamijkeeda ansixiyey, isagoo u ballan-qaaday in wadatashiga golaha ay muhiimad gaar ah siin doonto.
Afhayeenka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa kulanka sheegay in uu isu badelay kulan aan caadi aheyn si xubnaha golaha wasiirrada loo dhaariyo, Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka, Mudane Ceydiin C/llaahi Ilkaxanaf ayaana xilkooda u dhaariyey golaha wasiirrada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa ugu dambeyn ku wargeliyey in Xildhibaannada Barlamaanka ay ka soo qeyb-galaan aaska Qaran ee loo sameynayo Xildhibaan C/llaahi Qayaad oo Muqdisho lagu dilay maalinta xigtana ay golaha dhameystir doonaan dhammaan Ajendeyaasha ka harsan xiritaanka kalfadhiga Shannaad ee Barlamaanka Soomaaliya.

Previous Post

Barlamaanka oo meel mariyay xukuumadda Soomaaliya “MUUQAAL”

Next Post

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta oo maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii Radio Kulmiye”sawiro+MUUQAAL”

Next Post
Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta oo maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii Radio Kulmiye”sawiro+MUUQAAL”

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta oo maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii Radio Kulmiye"sawiro+MUUQAAL"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026
0

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee sida nabadda ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In